Biyo la’aan aad
u daran oo laga soo sheegayo degmada Ceegaag iyo degaannada
ku xeeran.
(Ceegaag, March
17,
2008 Ceegaag Online)
Wararka naga soo gaadhaya degmada Ceegaag ee gobolka Sool
ayaa tibaaxaya in biyo la’aan aad u darani ka jirto
degmadaas iyo nawaaxigeeda. Guddoomiyaha degmada Ceegaag
Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdi Riigle)oo ay weheliyeen
40 xubnood oo ka tirsan maamulka iyo waxgaradka degmada
Ceegaag ayaa saaka jir jaraa’id ku qabtay xarunta degmadaasi.
Guddoomiyaha oo ka warbixiyay xaaladda abaareed ee ka jirta
degaannada Yeyle, Horufadhi, Ceegaag, Oog, Guumays iyo
Ceeldhaab ayaa sheegay in haddii aan si dhakhso leh
loogu soo gurman dadwaynaha ku dhaqan degaankaas in xeryo
qaxooti ah loo yagleeli doono dhawaan.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Hay’adaha caalamiga ah iyo
maamulka Soomaaliland oo ah maamulka kaliya ee iska xilsaara
taakulaynta dadwaynaha degaankaas in ay si deg dega ah
gurmad biyo iyo cuntaba ula soo gaadhaan dadkaas ay abaaruhu
waxyeelleeyeen.
Cabdi Xaaji Cali
ayaa tibaaxay in maamul ahaan intii karaankooda ah ay
dadaaleen iskuna dayeen in ay daboolaan baahida xagga biyaha
ee ka jirta Ceegaag iyagoo kaashana qaar ka mid ah
qurbajoogta balse ay hadda ka fursanwayday in aan adduunka u
sheegnno abaartan ku baahday degaannadaas aan kor ku soo
sheegnay.
"Laba
booyadood oo ay noo iibiyeen qurbajoogta reer Ceegaag ayaa u
dhaamiya dadwaynha degmada oo tiradooda lagu qiyaasay in ka
badan 5,000 oo qof iyo illaa 10,000 oo xoolo ah taas oo aan
habayaraatee dabooli karin baahida biyood ee ka jirta
degaankan" ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Waxaa
iyana shirkaas jaraa’id ka hadlay xubno ka tirsan maamulka
iyo waxgaradka degmada Ceegaag oo ay ka mid ahaayeen
Qaasim Maxamuud Goorxungawrac, Rashiid Faarax Isaxaaq,
Jaamac Weerar Maxamuud, Maxamed Cabdi Giir, Cabdi Maxamed
Cawl, Cabdillaahi Jaamac Caliyare (Koofiyad), Axmed Maxamed
Awdaan, Baashe Waranle, Hurre Mire Cabdi, Siciid Cabdi Giir
(Qalbi) iyagoo dhammaantood walaac ka muujiyay biyo
la’aanta soo wajahday iyo nabaadguurka ka jira degaankaasi.
Ugu
danbayn waxaa waxgaradka degmadu u soo jeediyay Qurbajoogta
degaanka Ceegaag in ay u soo gurmadaan dadkooda abaaruhu
waxyeelleeyeen iyagoo tibaaxay in maanta foostada biyaha ah
ay ka marayso Ceegaag $7 doollar taas oo aysan awoodin
boqolkiiba 95% dadwaynaha ku dhaqan degmadaas.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |