shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Magaalada Pretoria oo 9 qof u qabqabtay Falalka Boobka, Dilka, Gubida lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed.

(Johannesburg, March 28, 2008 Ceegaag Online) 

Police-ka Magaalada Pretoria ee caasimada dalka South Africa  ayaa shaaca ka qaaday qabashada 9 qof oo kale oo lala xariirinayo boobkii, dilkii iyo gubidii ganacsiyo, guryo iyo waliba nafta dad Ajaaniib ah oo Soomaali ay ka mid tahay. Sida ay mar dhaweyd faafisey wakaalada wararka SAPA ee dalkani Koonfur Africa.

Afhayeenka Police-ka ( Constable Patricia Simelane) ayaa u sheegey wakaalada wararka SAPA in ay soo xirxireen ilaa 9 qof oo dheeraad ah, tan iyo talaadadii illaa shalay oo shirkii heerka wasiir ahaa uu ka socdey magaaladaasi.  3 qof oo  police-ka u xireen ayaa la keenayaa maxkamada talaadada soo socota , halka la baarayo kuwa kale illaa xadka ay danbiyada ku lug leeyihiin.

ilaa 5 qof oo Ajnabi ah, oo middi uu Soomaali yahay ayaa ku geeriyootey shaqaaqooyin todobaadkii labaad galay oo ka dhacaya tuulooyin ku xeeran Atteridgeville, balse shalay iyo maanta ay deganaansho ay ka jirtaa.

Si kastaba ha ahaatee   Booliska dalka Koonfur Africa ayaa uu tafa xaytey sidii  ay sumcadooda kor ugu qaadi lahaayeen taas oo sababtey in ay howl galo baxad weyn ka sameeyaan Magaalooyinka waa weyn iyo tulooyinka ku dhaw dhaw maadaama sanadka 2010 ay marti galindoonaan Ciyaaraha Koobka Aduunka wixii ku soo kordhaa howlgaladaas kala soco wararka dambe.


Hassan YeeY

Johannesburg/ South AFRICA

yeey18@live.com

  

webmaster@ceegaag.com