Cadde Muuse oo
soo saaray Warbixin loogu Magac daray Tubraaca Siyaasada
Dowladda Puntland.
(Garoowe, March
22,
2008 Ceegaag Online)
Qoraalka Cadde
Muse kaga hadlay Tubraaca Siyaasada Dowlada Puntland ayaa u
qoraa sidatan:
Nuxurka
siyaasadeed ee Dawladda Puntland (DP) wuxuu u taagan yahay
saddex arrimood oo lagama maarmaan ah:
Tan kowaad, in degaanka Puntland ka badbaado
colaadaha sokeeye oo ka dhasha maamul la’aanta iyo is-herdiga
kooxo siyaasadeed oo u kala adeegaya dana gurracan;
Tan labaad, in ay wax ka baadi-goobto dib-u-yagleelidda
dawlad dhexe oo Soomaaliyeed oo ku salaysan hannaan federaal
ah, kaasoo ah habka keliya oo lagaga sabata-bixi karo awood
meel keliya ku urursan iyo kala-googo’ iyo
Tan saddexaad, in ay beesha caalamka la
kaashato xal-u-helidda mushkiladda Soomaaliya guud ahaan iyo
dib-u-dhiska iyo horumarinta degaanka Puntland gaar ahaan.
Qaybaha soo socda ee murtida qoraalkanu waxay
shaaca ka qaadayaan tub-raaca Dawladda Puntland ee ku kala
aaddan xaaladda gudaha Puntland, siyaasadda heerka qaran iyo
sida beesha caalamku gacan uga geysan karto labadaas
arrimood.
Puntland
Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe
ee Soomaaliya 1991kii ilaa bartamihii sannadkii 2006, waxaa
Puntland ka jirey nabad, xasilooni iyo horumar dhaqaale
marka dalka intiisa kale loo eego. Waxaa ayaandarra ah in
waayahaan dambe ay Puntland soo food-saareen qalalaase kaga
yimid koonfurta iyo gobollada woqooyi galbeed Soomaaliya.
Dhinaca koonfurta, xoogaggii Maxkamadaha Islaamiga ku
magacawnaa iyo xag-jiriinta Al-Shabaab baa waxa ay u soo
kaba-gashadeen duullaan xukun-doon ah iyo falal argagixiso
oo ay la soo beegsadeen Puntland iyagoo si gurracan ugu
been-abuuranaya diinta Islaamka ee muqaddaska ah. Waxaa
dhulka Puntland marin ka dhigta dhallinyaro badan oo ka
yimaada Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya oo u gudba woqooyi
galbeed, dabadeedna ku soo laabta Puntland oo gabood-fal ka
geysta. Dhinaca woqooyi galbeed, waxaa weerarro hubaysan oo
is-daba-joog ah Puntland ku soo qaaday Maamulka Hargeysa oo
15kii Oktoobbar sannadkii hore ku qabsaday magaala-madaxda
gobolka Sool ee Laas Caanood una sii tafa-xaydanaya
dhul-ballaarsi kale.
Labadaas arrimood waxa ay kala dhantaaleen
dadaalkii Puntland ugu jirtey hirgelinta barnaamijka
maamul-wanaagga iyo dhaqaalihii awalba koobnaa ee jirey.
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyin baahsan oo
kulligood u baahan wax ka qabasho, waqtigan la joogo
Dawladda Puntland waxay halkan ka caddayneysaa in ay dardar
gelineyso fulinta waajibaadyada dastuuriga ah una kala
hor-marineyso sida ay mudaanta u kala leeyihiin:
1. Soo-celinta gacan-ku-haynta
magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas Caanood iyo
kafaala-qaadidda difaaca dhammaan xuduudaha Puntland;
2. Adkaynta ammaanka gudaha;
3. Sii-ambaqaadidda hirgelinta
maamul-wanaagga iyo
4. Dhammaystirka geeddi-socodka
dimoqoraaddiyadda Puntland.
Taliska Daraawiishta Puntland oo dib-u-habayn
lagu sameeyey wuxuu ku hawllan yahay tayaynta iyo dhismaha
ciidan hanan kara difaaca dalka. Dawladda Puntland waxay
wasaarad cusub u aasaastay arrimaha Amniga Gudaha taas oo u
xil-saaran ka-hortegidda fal-dembiyeedyada iyo
gacan-ku-dhigidda dembi-falayaasha. Waxa xukuumaddu u hurtay
amniga gudaha 5% miisaaniyad ka baxsan saamigii ay
hey’adaha ammaanka guduhu ku lahaayeen miisaaniyadda caadiga
ah. Dawladda Puntland waxay kaloo fiira gaar ah u
yeelaneysaa xoojinta Garsoorka iyo Ciidanka Asluubta oo lama
huraan u ah u-hoggaansanaanta sharciga iyo helitaanka
caddaaladda.
Dhinaca maamul-wanaagga, waxaa xusid mudan
aasaasidda Guddiga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (Civil
Service Commission) oo ay hey’adda UNDP gacan ka siineyso
sidii shaqaalayntu u noqon lahayd mid ku timaadda baahida
dhabta ah ee maamulka iyo mutaysi, si wax-soo-saarku u
kordho, taas oo xukuumaddu u aragto tallaabo weyn oo hore
loo qaaday. Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo
Xiriirka Caalamiga ah oo dhinac ah iyo Bangiga Adduunka iyo
UNDP oo dhinac ah waxay in mudda ah wadeen qiimayn la
xiriirta baahida hagaajinta maamulka arrimaha Maaliyadda iyo
Lacagta, waxaana ka dhashay hindisayaal cusub oo si dhaqso
ah fulintoodu u bilaaban doonto, kuwaasoo la xiriira
dhidbidda hab-maaliyadeed casri ah oo ku abbaaran toosinta
iyo casriyaynta ururinta cashuuraha, kobcinta dakhliga,
beekhaaminta kharajka, maaraynta miisaaniyadda, kontroolka
lacagta iyo hanti-dhawrka.
Dib-u-eegista dastuurka Puntland waxay
mareysaa heer gabagaba ah, waxaana Puntland, Xukuumad iyo
Baarlamaanba, ka go’an in bartamaha sannadkan loo bandhigo
afti dadweyne si loogu gogol-xaaro curashada xisbiyo
siyaasadeed iyo qabashada doorashooyin xor ah.
Siyaasadda Heer Qaran
Tan iyo intii ka damabaysey dhismihii
Dawladda Puntland 1dii bishii Agost 1998kii iyo 8dii
sano oo ka horreeyeyba, Puntland waxay u heellanayd kana
qayb-qaadaneysey dib-u-heshiin dhexmarta dadka Soomaalida
iyo soo-celinta dawlad Soomaaliyeed. Waxaa laga wada
dheregsan yahay kaalintii firfircoonayd ee ay Puntland ka
gashay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta oo ku dhammaday
dhismaha Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah (DFKMG).
Sidoo kale, Puntland waxay taabba-gelinta dawladda u hurtay
dhaqaale iyo cudud.
DFKMG ah isla markii ay hanatay xafiiskaba
waxaa la kowsadey kala-qaybsanaan hey’adihii dawladda iyo
is-qabad dhex-galay mas’uuliyiintii xilalka ugu sarreeya
hayey. Waxaa iyana jirey diidmo kaga timid xoogag ka soo
horjeeda mabda’a lagu soo dhisay dawladda.
Is-biirsiga arrimahaasu wuxuu DFKMG ah
geyaysiiyey in ay gudan kari weydo xilalka muddada ku-meel
gaarka ah sida sugidda nabadda iyo xasilloonida, dib-u-heshiisiin,
diyaarinta dastuur federaal ah iyo hirgelinta hannaan
federaal ah. Inkastoo ay intaasu jirto, muddadii xukuumadda
FKMG ahna in yari ka harsan tahay, dawladda dhowaan la
dhisay iyo baaqii wadahadalka ee ay bixisay waxa ay
leeyihiin yididiila cusub.
Dawladda Puntland waxa ay diyaar u tahay,
siina wadi doontaa, taageeridda Dawladda Federaalka Ku-Meel
Gaarka ah, waxana ay beesha caalamka weydiisaneysaa in ay si
weyn ugu hagar baxaan si ay u gudato waajibaadka xilliga
ku-meel gaarka ah inta ay ka gaadho.
Dawladda Puntland oo mar kale ku celineysa in
dib-u-yagleelidda dawladnimada Soomaaliya ay tahay waajib
waddani ah oo aan ka-daalis mudnayn, waxay goosatay in ay
faahfaahin dheeraad ah sida soo socota uga bixiso siyaasadda
qaran ee ay higsaneyso:
(1) Puntland waxaan sina loo soo marin doonin
hannaan dawladeed oo taladu ku urursan tahay dawlad dhexe,
gobollada iyo degmooyinkuna yihiin kuwa jideeya awoodaha
dawladdaas oo keliya - hab dawladeedka qaabkaas ahi wuxuu
dadweynaha baday in ay ka takoornaadaan talada dalka,
aakhirkiina wuxuu horseeday burbur dawladeed;
(2) Puntland ma aqoonsana mana aqoonsan
doonto in baadi-goobka xal dawlad dhexe oo Soomaaliya
yeelato loo maro afkaarihii gumeysigii reer Yurub ku
qaybsadeen dalka Soomaaliya taas oo ay beddeshey midowgii
iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dastuurkii
Jamhuuriyaddaas oo ummadda Soomaaliyeed ku ansixisay afti
dadweyne 1961kii iyo
(3) Inta laga helayo dastuur federaal ah oo
loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan
qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda
Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay
Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax
bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda.
Beesha Caalamka
Dawladda Puntland waxay mahadnaq ballaaran u
celineysaa beesha caalamka oo hawlohoodu qayb libaax ka
cayaaraan daryeelka iyo gargaarka dadka tabaalaysan iyo kuwa
bara-kacay ee gudaha iyo kuwa ka yimaada gobollada kale ee
Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, arrimaha bulshada gaar
ahaan caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha iyo qaybo kala
geddisan oo baahiyi ka jirtey. Taageerada deeq-bixiyayaasha,
hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa caalamiga ah la’aantood
Puntland ma awooddeen in ay meelo badan iska daboosho.
Waxaan shaki ku jirin in ay beesha caalamku
isku taxalujisay Somalida heshiisiinteda, kaalmaynteeda iyo
sidii ay dawladnimadoodu cagaha isugu taagi lahayd. Abaal
weyn ayey dadka iyo dawladda Puntland ugu hayaan beesha
caalamka dadaalkaas, waxana ay ku sii adkayneysaa in ay
qiimayntooda ku xoojiyaan qodobbada soo socda:
1. In ay ku baraarugto inta ay le’eg tahay
baaxadda mixnadda ka taagan Soomaaliya iyo cawaaqib-xumada
ay ku yeelan karto Geeska Afrika, lana timaaddo hal-abuur
iyo ajende muddada kala-guurka loogu gudbi karo hab federal
ah oo dimoqoraaddi ah oo wax kala haga;
2. In ay sii
wadaan habka saddex-qayboodka ah oo ay iskaashiga iyo
taageerada ula wadeen qaybaha Soomaaliya ka kooban tahay oo
ah Puntland, Somaliland iyo South-Central/TFG.
3. In ay mowqif midaysan ku wajahdo xaaladda
Soomaaliya;
4. In ay ka fuliso Soomaaliya casharadii
waxtarka yeeshay ee laga bartay dalalka soo maray
dhibaatooyin la mid ah kuwa Soomaaliya, iyagoo tixgelinaya
talooyinka waxgaradka Soomaalida ay ka dhab tahay
xal-u-helidda Soomaaliya iyo
5. In ay Puntland diyaar u tahay soona
dhowayneyso maal-gashi caalami ah dhinacyada kala duwan ee
khayraadka badda, berriga iyo hawada.
Ugu dambayntii, Puntland, dawlad iyo
dadweyneba, waxa ay ka digeysaa in laga feejignaato
taageeridda damaaciga dhinac ka mid ah dhinacyada Soomaaliya,
taas oo 17kii sano oo la soo dhaafay ahayd caqabadda ku
gudban xal-u-helidda dhibaatada Soomaaliya.
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Somaliya
webmaster@ceegaag.com |