Madaxweyne C/llaahi
yuusuf oo maanta cafis u fidiyey maxaabiis ku jirtay xabsiga
dhexe ee Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, March
31,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
maanta casif u fidiyey qaar kamid ah maxaabiistii ku jirtay
xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kadib kulan uu la qaatay
xubno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda
gobolka Galguduud.
Xubnaha
Barlamaanka ee uu la kulmay Madaxweyne Yuusuf ayaa waxa ay
kala ahaayeen xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, Xil. Maxamed
Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) Xil. Cali Calas Qaarey iyo
maamulaha dekadda magaalada Muqdisho Siciid Siyaad Shirwac.
Kulanka ay
yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo xubnaha Barlamaanka
oo aan si hoose loo ogeyn waxa looga hadlay ayuu sheegay
afhayeenka Dowladda Cabdi Xaaji Goobdoon in kulanka uu ahaa
mid ay joogeen wasiiro ka tirsan dowladda islamarkaana uu
madaxweyne Yuusuf cafis ugu fidiyey tiro kamid ah
maxaabiistii ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Maxaabiista
uu maanta cafiska u fidiyey Madaxweyne Yuusuf ayaa gaarayey
7 maxbuus, waxaana maxaabiistaan lagu qabtay magaalada
Muqdisho kal hore, lamana oga in cafiska uu madaxweynuhu u
fidiyey maxaabiista iyo kulanka ay wada qaateen isaga iyo
xubnaha Barlamaanka uu isku hadaf ahaa.
Madaxweyne C/laahi
Yuusuf ayaa dhowr jeer cafis u fidiyey maxaabiis ku xirneyd
xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, waxaana cafiska
madaxweynaha si weyn u soo dhaweeyey ehelada maxaabiista
cafiska loo fidiyey.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |