Ciidamada DF
ayaa xalay howlgallo Amaanka lagu sugayo ka sameeyey
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
(Baydhabo, March
17,
2008 Ceegaag Online)
Howlgalkan oo
ahaa mid ay fuliyeen Ciidamada Amaanka Magaalada Baydhabo
ayaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo in ay ka
dambeeyaan falalka amaan darri ee ka jira magaalada Beydhabo.
Sargaal ka
tirsan ciidamada amaanka magaalada Beydhabo ayaa sheegay in
howlgalkaas u dhacay si wanaagsan isla markaana ay ciidamadu
gacanta ku dhigeeyn dad badan oo lala xiriirinayo falalka ka
dhaca magaalada Beydhabo.
Wuxuu sheegay
in dadkaas lagu xiray jeelka magaalada Beydhabo isla
markaana baaritaan lagu wado si loo xaqiijiyo in ay falalka
amaan darri ay ku lug leeyihiin, isagoo intaa ku daray in la
sii deyn doono ciddii aaney ku caddaan arrimahaas.
"Waan sii
wadeynaa howlgalada illaa amaanka si wanaagsan oo la isku
haleyn karo loo sugo isla markaana aaney magaaladu ka dhicin
falal amaan darri" ayuu yiri sargaalka oo ka hadlayey
howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen magaalada Beydhabo.
Howlagalaan
ayaa imaanaya iyadoo maalmo uun ka hor markii magaalada
Beydhabo lagu toogtay askari ka tirtsan ciidamada dowladda,
illaa iyo haddana ma jirto cid loo qabtay dilka askarigaas
marka laga reebo dadka la tuhmayo ee ay xalay ciidamadu soo
qabqabteen.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |