Ciidamada
Ethiopia oo isku balaariyey suuqa Xoolaha iyo dagaal ka
qarxay deegaankaas.
(Muqdisho, March
19,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada
Ethiopia
ayaa saakay isku balaariyey qeybo kamid ah degmada Huriwaa
ee magaalada Muqdisho, iyadoo markaas kadib ay dagaal la
galeen kooxaha joogitaankooda ka horjeeda.
Wararka laga
helayo degmada Huriwaa ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan
kuwa
Ethiopia
oo ka kala baxay saldhigyada Maslax iyo Warshadda Baastada
ay isku fidiyeen wadada isku xirta xerada Maslax illaa
Ex-control Balcad, dabadeedna la sheegay in uu halkaas ka
qarxay dagaal fool ka fool ah.
Wararka ayaa
sheegaya in kooxaha ka horjeeda joogitaanka ciidamada
Ethiopia
ay weerar ku qaadeen ciidamada
Ethiopia
oo si raxan-raxan ah u socda, iyadoo markaas kadibna la
sheegay in dagaalku uu sii xoogeystay.
Lama sheegi
karo khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo haddii dad rayid ah
wax ku noqdeen, waxaana saaka gebi ahaanba aanan shaqeynin
gaadiidka deegaankaas isaga gooshi jiray iyadoo sidoo kalena
ay dhamaan irdaha u laaban yihiin goobaha ganacsi ee ku
yaala deegaankaas.
Warar goor
dhow na soo gaaray ayaa sheegaa in uu qaboobay dagaalka isla
markaana hadda la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay ridayaan
ciidamada
Ethiopia
oo iyagu ku sugan wadada laamiga ah ee isku xirta xerada
Maslax illaa xarunta warshadda Baastada oo ay saldhigyo
ciidan ku leeyihiin.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |