shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo la sheegay inay dawo ka dheceen hay'adda MSF Swiss

(Baledweyne, March 23, 2008 Ceegaag Online)

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo la sheegay inay dawo ka dheceen hay'adda MSF Swiss oo gacanka ku heysa isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qabteen 8-kartoon oo ay ku jiraan dawooyin kala duwan iyo kooxihii watay islamarkaana ay kartoomadaas ay ku taallo astaanta hay'adda MSF Swiss ee fadhigeedu yahay magaalada Baledweyn.

Wuxuu sheegay sarkaalka in ay la xiriireen maamulka hay'adda MSF Swiss oo ay ku war geliyen in ay hayaan daawooyinkii laga soo qaatay, isagoo inta raaciyey in dadka lagu qabtay falkaas lagu qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Sargaalkaasi wuxuu kaloo sheegay in ay qabteen jawaano ay ku jiraan lacago been abuur ah oo la soo gelinayey magaalada Baledweyne, isagoo intaa raaciyey in ay talaabo ka qaadayaan dadkii lacagahaas been abuurka ah soo geliyey gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhowr mar ku celiyey digniino uu u jeedinayo ganacsatada ku howlan inay lacago been abuur ah ku soo daabulaan goolka Hiiraan, isagoo sheegay in ciddii lagu heli falkaas la ganaaxi doono.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com