shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo daacad ah Maxkamadihii Islaamka oo saaka aroortii la wareegay gacan ku heynta degmooyinka Jowhar iyo Mahaday.

(Jowhar, March 26, 2008 Ceegaag Online)

Kooxo hubeysan oo ka horjeeda dowladda federaalka ayaa la wareegay saaka aroortii gacan ku heynta degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay markii ay weerar ku qaadeen deeganadaas.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska hor-imaad saaka halkaasi ka dhacay oo u dhexeeya kooxo hubeysan oo ka horjeeda dowladda iyo ciidamada dowladda ay ku dhinten 7-qof oo 5-kamid ah ay yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Warku wuxuu intaas raacinayaa in kooxaha hubeysan ay markii dambe la wareegeen degmada Jowhar kadibna ay xabsiga degmadaas ka sii daayeen dad maxaabiis ah, iyadoo afhayeen u hadlay kooxo la wareegay degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay uu sheegay in ay gaadiid dagaal qabsaden inkasta oo aan warkaas la xaqiijin.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa isaga tagay degmada Jowhar iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay wajahaneen mas'uuliyiinta maamulka gobolkaas sida guddoomiyaha gobolka Maxamed Cumar Deelle, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in ay u weecdeen dhulka miyiga ah ee gobolka Sh/dhexe.

Kooxaha hubeysan ee qabsaday degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ayaa wararku sheegayaan in ay taabacsan yihiin Maxkamadihii Islaamka, waxaana warar aan goor dhow ka helnay magaalada xarunta ah ee Jowhar ay sheegayaan in ay halkaas isaga bexeen wax yar ka hor.

Dadka ku dhaqan degmada Jowhar ayaa ku qamaamay xarumaha maamulka ee degmada jowhar, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay dadku bililiqeysteen qalabyadii yaalay xarumahaas.

Xaaladda magaalada ayaa iminka caadi ku soo noqotay, waxaana dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ay si weyn u hadal hayaan isbadalka maanta ka jira degmadaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com