Ciidamo
Itoobiyan ah oo aad u hubeysan ayaa maanta Saldhig ka
sameystay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
(Diinsoor, March
17,
2008 Ceegaag Online)
Ku dhawaad 20 Baabuur oo ay dul saaran yihiin Ciidamada Itoobiya
ayaa gaaray Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay halkaas oo
toddobaadyadii aynu soo dhaafnay dhawr jeer gacan ku
haynteeda la wareegeen xoogaga al Shabaab ee dagaalka kula
jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada dalka
Itoobiya.
Gudaha
magaalada Diinsoor, Buuraha waa weyn ee ku wareegsan
Magaaladaas ayay saldhigyo ka dhigteen Ciidamada Itoobiyanka
ah ee gaaray halkaas sida uu sheegay goobjoogo ku sugan
magaaladaas oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay.
Ma cadda
sababta ay Ciidamada Itoobiya u tageen Magaaladaas balse
waxaa la fahamsan yahay in tagitaanka Ciidamada Itoobiyaanku
salka ku hayso oo kaliya iyagoo ku raad jooga kooxihii
todobaadyadii aynu soo dhaafnay qabsaday Magaaladaas ee uu
hor kacayay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar
Roobow.
Sidoo kale lama oga inay muddo dheer halkaasi joogi doonaan
iyo in kale laakiin sida ka muuqatay Ciidamadan waxay u
ekaayeen kuwa Saldhig halkaas ka dhigtay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |