Cuqaal,Ganacsato iyo Waxgarad Reer Buuhoodle ah oo la kulmay
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.
(Hargeysa, March
18,
2008 Ceegaag Online)
Madaxwaynaha Somaliland Mudane
Daahir Riyaale Kaahin ayaa habeenkii xalay ku qaabilay
Madaxtooyada Magaalada Hargeysa ergo ka kooban 25 qof 00
Reer Buuhoodle ah kuwaas oo isugu jirey Cuqaal, Ganacsato
iyo waxgarad kale.
Ergadan oo uu hogaminayey Caaqil
Cabdullaahi Xasan ayaa BBC-da laanta Af-Somaliga u sheegey
in Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ka aqbaley in uu sii
daayo Maxaabiistii Somaliland ka qabatey Deegaano ka tirsan
Goboladda Sool & Cayn.
Caaqilkan ayaa sheegey in
Madaxweyne Daahir Riyaale kala hadleen xaaladaha ka jira
deegankooda kuwaas oo ah dhinaca nabad galyada, Abaaraha iyo
Biyo La’aanta ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka Cayn.
Caaqil
Cabdulahi Xasan ayaa sheegey in
Madaxweyne Daahir Riyaale isku afgarteen in dhamaan la sii
daayo Maxabiista dagaalka lagu qabtey iyada oo tiradooda
tahay 91 Maxbuus.
Madaxa xubnahaan la kulmay
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa sheegey in Maxbiista xaga
Bariga [ Puntland] la saari doono diyaarad kuwa reer Sool-na
is raaci doonaan waftigaan.
Caaqilka oo la waydiiyey kala
qaybsanaanta degaanka Buuhoodle iyada oo labo maamul ka
jiraan Puntland iyo Somaliland ayaa ku jawabey in arintaas
dhibaato leedahay balse ay tahay xaalada hadda u socdaan
deegaanka isla markaana dadkooda wada tashi kala yeelan
doonaan arrimaha ay isku afgarteen Madaxweyneha Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin.
Cabdulahi Xasan oo la waydiiyey
waxa ay isku afgarteen maamulka Somaliland ayaa sheegey in
ay isla qaateen in Buuhoodle la gaarsiiyo maamulka
Somaliland si nabad galyo ah oo xasilooni ku jirto.
Caaqilkaan oo la waydiiyey in
dadkii kala qaybsanyihiin oo Garaadadii kuligood maqan
yahiin ayaa sheegey in laga wadahadli doono arinkaan dhinaca
saxana la raaci doono.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |