Dad Soomaali ah
oo la dilay iyagoo ka gudbaya xadka u dhexeeya dalalka Sudan
iyo Ethiopia.
(Qadarif, March
30,
2008 Ceegaag Online)
Wararka laga
helayo magaalada Qadaarif ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in
ciidanka xuduudda ilaaliya ee dalka
Ethiopia
ay toogasho ku dileen dad Soomaali ah oo ka gudbay xadka ay
wadaagaan dalalka Suudaan iyo
Ethiopia.
Warka ayaa
sheegaya in dadka la dilay ay gaarayaan 4 qof oo seddex ay
dumar tahay, waxaana dadkaas ay doonayeen in ay si qarsoodi
ah kaga gudbaan xadka u dhexeeya
Ethiopia iyo Sudan,
hase ahaatee ay ciidamada xuduudda
Ethiopia tacshiirad ku fureen halkaas oo ay ku
dhinteen 4 qof oo Soomaali ah.
Warka ayaa
intaas raacinaya in dad kale oo Soomaali ah ay baxsadeen
markii ay ciidamadu tacshiiradda ku fureen kadibna ay galeen
xadka Suudaan, iyadoo qaarkood la sheegay in ay iyago
dhaaawac qaba ay galeen xadka Suudan.
Dadka
Soomaaliyeed ayaa safaro naf hurid ah waxa ay ku aadaan
dalalka Yurub iyagoo sii maraya dalalka Rthiopia, Suudaan,
liibiya kadibna badda uga sii gudbaya dalka Talyaaniga
halkaas oo ay kala kulmaan dhibaatooyin u badan dhimasho.
Dadka
Soomalida ah ee ka cararaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa sii
kordhay sanadkaan markii ay sii baaheen dagaalada iyo
dhibaatpooyinka ka jira gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Koonfureed ee
dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |