shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal aad u culus ayaa ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka horjeeda ku dhexmaray qeybo kamid ah degmada Hodan

(Muqdisho, March 24, 2008 Ceegaag Online)

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwana ayaa inta la hubo waxaa ku dhintay labo kamid ah askarta Dowladda Federaalka Soomaaliya halka tiro dad ah oo aan weli inta ay dhan yihiin la ogeyn ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayaa la sheegay in kooxaha ka horjeeda dowladda ay weerarka ay iyagu ku soo qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana kooxaha dowladda ka horjeeda la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigga degmada Hodan.

Dagaalka ayaa saameeyey ganasiga suuqa Bakaaraha, waxaana rasaas habow ah ay ku dhacday gudaha suuqaas, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dad ay ku dhaaacmeen rasaasta ku dhacday suuqa Bakaaraha.

Weli wax war ah oo dagaalka ku saabsan kama soo bixin saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaalo dib u heshiisiineed oo uu wado Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde, waxaana dagaalka uu sidoo kale imaanayaa kadib kulan ay shalay garoonka magaalada Muqdisho ku qaateen Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo madaxda golaha dhaqanka Hawiye.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com