Dareen celin:
Maqaalkii maxaad ka taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo Pepsi
Cola!!! Iyo Faa'iidooyin uu Yeeshay!!!
(Somalia, March
20,
2008 Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka
Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray
Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta
Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Waxa dhacday Maqaalkan aan kor ku xusay oo dhowaan aan ku
soo qoray Mareegtan in Rag Akhyaar ah oo dhowr ahi ay ii soo
direen E-mail lo ay kaga soo horjeedaan wixii aan ku qoray iyo
in aan ahay Nin Carab u adeegaaya arintanuna aanay khusayn
Somaalida oo aanay ahayn dhib u taala bal America ay u
wanaagsan tahay Dadka soomaaliyeed!!! Oo aad wax u tarto
ugana fiican tahay kuwa Carbeed ee aan anigu u adeegaayo!!!
Yaa subxaan Allaah, BAL ay colaadiyaan Ummada Somaaliyeed!!!
Iyo inuu Sharaabkani Faa'iidooyin badan leeyahay!!! Inkasta
oo aan mid koodna ku xusin Faa'iidooyinkaa Qoraalkiisa!
Anigu se aanan diidanayn inuu Faa'iidooyin leeyahay! runtii
waana ku tilmaamay taas Maqaalkayga in kasta oo aanan sii
dhex gelin oo faahfaahin waayo Ujeedadayda Waqtigaas ma ay
ahayn inaan ka hadlo dhinaca waxtarkiisa bal waxan arinta ka
eegaayay xaga Diinta iyo Siyaasada oo aan xooga saaraayay iyo
hadalo badan oo kuwaa la mid ah bay xambaarsanaayeen E-mail
ladaasu
Si kastaba ha ahaatee waxaan go'aansaday in aan arintaa
Maqaal ahaan kaga jawaabo oo aanan kaga jawaabin E-mail
ahaan aan Qof walba goonidiisa ugu diro, sababta oo ah xaga
Waqtiga iyo in arintan oo kale ay hore iila kulantay Wareera
iga soo gaadhay, oo waxay ahayd in aan dhowaan Maqaal kaa ka
horeeyay oo aan ku soo qoray isla Mareegtan Cinwaankiisuna
ahaa "ma dhabaa inay Soomaalidu ka Caqli wanaagsan tahay
Ummada badan?!!!" isna ay iiga soo direen E-mail lo Rag
Akhyaar ah oo Odayaal ahi ayna igu tuhmeen inaan Ummada
Somaliyeed Dhabar jebinaayo!!! arintanuna ay tahay arin
jirta oo ilaa muda dheer la ogaa Dad badan oo Aqoon yahano
Soomaaliyeed iyo kuwa Ajenebi ahibana ay sidaas yidhaahdeen,
hase yeeshee Akhyaartaas ima ay siin ama iima sheegin wax
Daliil Cilmi ah oo aan ku qanco oo iga bedela Fikirkii aan
qabay haba yaraatee markii aan anigu isku deyay inaan ku
qanciyo Fikirkayga iyo Siyaasada looga gol leeyahay arintana
waxaba dhacday in aan qaarkood is Af dhaafno!
Waxaan ka xusuustaa oo aanan weli ilaabin Nin Oday ah oo aad
u Xamaasadaysnaa markii falanqayntu na dhex martayna oo uu i
arkay inaan Ra'yigayga ku sii adkaysanaayo ayuu intuu
Hadalkaygii Qayb ka mid ah oo ahaa in arintan laynaku kala
fogaynaayo oo cuqdad iyo is cadawsi laynaku kala dhex
dhigaayo Dadka Muslimiinta ah ee Walaaleheen ah iyo
Walaaleheena Africanka ah iyo Xataa dhexdeena iyada oo ay
Diraasad ku sheegaasi ku dartay Dadka laga Caqliga wanaagsan
yahay Dad Soomaali ah!!! Waxaana ku jiray oo aan ku soo
qaatay Qoraalkayga Aayato Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyo
cadaynaya inaan Dadku waxba is dheerayn, Hadalkaa intuu soo
qaatay ayuu wuxuu yidhi:
"Dadku
walaalo isuma aha ee waa isu cadow. Waxaas waxaa ku
qadhaabta kiniisadaha iyo hay'adaha samalfalka. Waad aragtaa
waxa dunida dadqalnimo ka socota. Afkana waxaa laga leeyahay
"walaalo".
Midda kale, xitaa sarraynta sooomaalidu haddii ay tahay wax
la sameeyey waa dhaqan weligii dunida ka jiray oo ka mid ah
dagaalka nafsiga ah ee la isku hayo. U fiirso: dhawr
sannnadood ka hor dalka Maraykanka laba caalim oo yuhuud ah
baa waxay shaaciyeen cilmibaadhis ay sameeyeen in ay ku
heleen afrikaanku in ay yihiin dadka bani aadamka ugu caqli
xun. Labadaas Nin gaalo oo dhan iyo cid waliba waa ay u
hambalyeysay. Carruurta afrikaankana taasi waxay ku ridaysaa
cuqdad iyo liidnimo. Sow ma aha?
Haddaba dagaal baa lagu jiraaye dadkaaga ha dhabarjebin ee
dagaalka dhinac ka gal. Waxba ku tari mayso in aad u hadasho
sida aan daacadda ahayn ee ay kiniisadaha iyo hay'adaha
caalamiga lagu sheegaa dadka ku hoosaasiyaan."!!!!
Allaahu
mustacaan, bal eega Walaalayaal hadalkaa Ninkaa Odayga ahi
ii soo qoray isagu waxa uu ka xun yahay oo diidan yahay
xaqiraada ay Yuhuudu Dadka madow ku samaysay laakiin hadii
hada isagii Dadkii madoobaa laga saaray oo la yidhi adigu
waad ka Caqli wanaagsan tahay raali buu sidaas ku yahay, wax
dhib ahna uma arko inay ku sii jiraan Caruurta African ku
iyo Ummadaha kale ee lagu xusay Diraasad ku sheegaas in ay
ku sii jiraan Cuqdada iyo Liidnimo!!!Oo uu weliba isagu
noqdo
kan
liidaaya oo xaqiraaya!!! bal waa yahay ee markaa maxay ku
kala duwan yihiin isaga iyo labadaa Nin ee uu inoo sheegay
ee Mujrimiinta ah! Miyaanu Mujrim sidooda ah ahayn?!!!!
Tan kale anigu waxan ka hadlaayay Walaaltinimo Islaam waxana
Daliilsanaayay Aayato Quraan ah iyo Xadiithyo ee maxaa
keenay meesha Sheekada Kiniisadaha Gaalada iyo Haya'adaha
Samadiidka ah ee Gaalada ah ee Gumaysta Maanta Dhulkeenii
miyaanu taas ku qarinayn in uu si toos ah u yidhaahdo
Islaamnimo iyo waxaas waxa ku qadhaabta Carabta!! ee waad
aragtaa waxa Dunida ka socda Dadqalnimo?!!! miyaanu ku
qarinayn nacayb Lafaha kaga jira oo uu u qabo Islaamka
wacayaadu billaahi ee?!!! Ninkaa Hadalkaa sidaas baan ugu
sheegay Allaah casaa wajalaana waxaan uga baryay inuu soo
hadeeyo mase odhan anigu Gaal baad tahay mana odhan karo
Manhajka aan ku socdaana sidaas maaha kamana aan xigsan
Diinta ee khaladkiisa baan u sheegay, dabadeedna wuu
xanaaqay wuxuuna iigu soo jawaabay Hadalkan:
"Waxaa
caddaatay in aad ka mid tahay kooxda cusub ee qof walba
marka ay fikrad isku khilaafaan diinta ka saara ee ka
xigsada! Bes bes, saaxiib!"
Jawaab ugama
celin Hadalkaa dambe waayo waxan ku qancay inaan marnaba is
fahmayn Ninkaas Odayga ah, waana tan keentay inaan uga
jawaabo tan dambe si guud ahaaneed
Hadaba aniga oo ku dheeraaday Hordhacii Qoraalkayga aan u
soo jeesto Qoraalka waxana ka dhigi doonaa Inshaa Allaah
laba Qaybood oo aan tan hore kaga hadli doono bal
Faa'iidooyinka uu Sharaabkaasu leeyahay!!!! in kasta oo
Qoraalkaygii hore aan ku yara tilmaamay bal hadana halkan
baan ku faahfaahin doonaa Inshaa Allaah,Akhyaartaas laftoodu
way ka hadleen inuu leeyahay Faa'iidooyin aanay ii soo
cadayn waxan se filayaa arintoodu in ay la xidhiidhay Arima
Dhaqaale oo ay uun u daafacayeen inay ka helaan Xoolo!!! waa
sida aan Qoraaladooda ka dareemay ee, Tan dambena waxan ku
soo qaadanayaa bal inaan xooga ka tilmaamo Cilaaqaadka u
dhexeeya Muslimiinta maadaama aniga laygu tuhmay inaan
dhinac u xaglinaayo sidan baana ku bilaabayaa Qoraalkayga:
Faa'iidooyinka u leeyahay Sharaabka
Coca Cola
iyo Pepsi Cola iwm!!!
1-
Musqusha iyo Kusheenka oo lagu nadiifiyo, ku shub Quraarad
ama Qasacad Coca Cola ah ama
Pepsi Cola ah hareeraha Marxaadka lagu fadhiisto gudihiisa iyo
halka lagu Fooldhaqado iyo halka Weelka lagu maydho Muda
Saacad ahna u daa dabadeedna Biyo raacsii waxaad arkaysaa
inuu milay oo dhaqaajiyay wixii ah Scale ka ama Uskaga Solid
ka ah iyo wixii Daxal ahaa ee ku dhegay ee aanay gown karayn
detergents ka caadiga ah ama wax yaabaha wax lagu nadiifiyo
ee caadiga ahi, wuxuu kaloo milaayaa oo dhaqaajinayaa oo
furayaa haday awdnaayeen beebabka(Pipes) Bulaacada geeya
Biyaha la isticmaalay iyo tan Godkaba waxaas waxaa milaaya
oo dhaqajinayaa waa nisbada badan ee Maadada Citric Acid da
ku jirta Cola ha, meeshii Scale ka, Daxalka iyo madowgu ku
dhegeen way dhalaalin Dhulkii awdnaan way furi waxaas oo
dhan waxa kuu qabanaaya Quraarad ama Qasacad Cola ah halkii
aad ka doonan lahayd Chemicals qaali ah Naftaadana khatar
gelin kara sida Sulphuric Acid, Hydrochloric Acid, Caustic
Soda iwm
2- Gaadhiga meelihiisa Birta iyo Aluminium ka ku nadiifi
Waraaqo Tin ka samaysan oo aad dhex gelisay Cola oo qoyan
way dhalaalinaysaa waxayna ka ilaalin Daxalka iwm
3- Fiilooyinka(Cables) ka Baateriga Gaadhiga ayaad kaga
suulinaysaa Daxalka, ku shub Quraarad ama Qasacad Fiilooyinka
ka Baateriga dabadeedna u daa in Muda ah ilaa ay misho
Daxalka dabadeedna ka masax
4- Boolasha Daxalaystay ee furmi waaya oo lagu debciyo, ku
duub kharqad aad ku qowsay Cola oo u daa in muda ah ilaa ay
misho Daxalka dabadeedna si yara baad u furi doontaa,waxan
oo dhan Qasacad ama laba Cola baa kuu qaban halkii aad ka
soo iibsan lahayd wax yaabaha Daxalka Gooya( Rust Proof) ee
qaaliga ah
5- Xaydha iyo Dufanka iwm ee Dharka ama Gogosha ku yaala buu
suuliyaa, markaad maydhayso Dharka noocaas ah isugu dar Cola
iyo Saabuun oo ku maydh waxay kaa gargaaraysa Cola in ay
suuliso Baraha Dufanka ama Xaydha ah ee ku yaala Dharka ee
aanay gown karayn Saabuuntu kelideed.
Cola waxaad kaloo ku nadiifin kartaa oo uu dhalaalinayaa
Muraayadah Gaadhiga
iyo
Daaqadaha Guriga
Waxaynu cabaynaa inagu Maadada waxaas oo dhan samaynaysa!!!!!
dabcan si ay u nadiifiso Nadaamyada Jidhkeena!!!!! waayo waa
inaynu Waxtar iyo Faa'iido ka helaa waxaan Qiimihiisa
bixinayno. miyaanay sidaas ahayn?!!!!!
Waxaa Garasho mudan inaad ogaato in Qiyaasta Acid Hydrogenic
ga ah ee ku jirta Sharaabka Gaasta ah sida
Coca Cola iyo Pepsi Cola ay
tahay 3 ilaa 4 macnuhu waxa weeye waa Acidic aad ah,
Derejadan Acidic ah waa mid xoog leh taas oo suura gelin
karta inay misho Ilkaha iyo Lafaha! Jidka Dadkuna wuxuu
joojiyaa inuu dib u dhiso Lafaha marka Da'da Qofku gaadho 30
Sano, Da'daa ka dib iyo qadaryaalkan Acid da ah ee aan ku
qaadanayno Cuntadeena iyo Cabitaankeena waxay keenaysaa in
Lafaheenu milmaan si talaaba talaaba ah oo ay ka baxaan
Jidhka iyagoo soo raacaya Kaadida iyada oo aanu Jidhku
helayn wax u bedela wixii ka milmay, dhamaan wixii Calcium
ahaa ee milmay waxay ku biirayaan Xidida Dhiiga qaada iyo
Cells ka iyo Xubnaha Jidhka taas oo saamayn wayn ku
yeelanaysaa Shaqada Kelyaha waxayna keenaysaa in ay noqdaan
Dhagxan Kelyaha fadhiista
Sharaabka Gaasta ahi kugu soo kordhin maayo oo malaha wax
Faa'iida ah oo quudin ah xaga Vitamines ka iyo Minerals
ka.waxa iyana ku jira nisbad aad u saraysa oo Sonkor,
Maadooyin Acidic ah iyo wax badan oo ah Maadooyin Sanaaci ah
oo lagu daray sida Maadooyinka ilaaliya iyo kuwa Midabka
Dadka qaarkii waxay cabaan Biyaha Gaasta ah oo qabow ka
dib mar kasta oo ay wax cunaan, bal ma malayn kartaa waxay
taasu keenayso?!!!!! waxa weeye Derejada kulka ah ee ku
haboon oo u suura gelinaysa in uu ku kaco Jidhkeenu
Shaqooyinkiisa daruuriga ah sida raqdista Cuntada waa 37
derejo oo Centigrade ah, Derejada Kulka Biyaha Gaasta ahina
waa wax aad in badan uga yar Derejadaas mararka qaar waxay
noqotaa wax ku dhow 0 derejo waxay markaas qaboojinaysaa
Xubnaha Cuntada raqda, qabowgan xoog lihi wuxuu yaraynayaa
awooda Khamiiradaha wax raqdaaya wuxuuna daalinayaa Mashiinka Raqda
Cuntada dabadeedna wuxuu keenayaa in aanu si fiican u raqdin
Cuntada, taas oo iyana keenaysa in Cuntadu ku khamiirto
Caloosha. Cuntadii ku khamiirtay Calooshana waxaa ka
dhalanaaya Ur xun oo la necbaysto iyo Gaas iyo Qudhun iyo
Sumaha Cuntada. Sumahaas waxaa nuugaaya Xiidmaha, waxayna
raacayaan Dhiiga oo ku fidinaaya dhamaan Qaybaha
Jidhka.hadaba fidista sumahaas waxay keenaysaa oo ka
dhalanaaya Buurida Xun iyo Xanuuna kale
Qaar
Tusaalayaal ah
1-
Mudo hore oo aan fogayn waxaa lagu qabtay Dalka
India Tartan ka dhacay Jaamacada
Delhi oo ah Cida cabi karta Kimiyada ugu badan ee Cola ah,
Ninkii ku guulaystay Tartankaas wuxuu cabay 8 Qasacadood oo
Cola ah, laakiin isla goobtii buu ku dhintay, taasna waxaa
sabab u ah in ay isku biirsatay Kimiyada wayn oo
Carbondioxide ahi Dhiigiisa iyo dhinaansho wayn oo ah Oxygen
ta. Dhacdadaa ka dib wuxuu ku kacay Madaxii Jaamacadu in uu
ka mamnooco Sharaabka Gaasta ah Canteen kii Jaamacada
2- Qof ayaa wuxuu ku riday Ilig ka dhacay Quraarad
Pepsi ah, maxaa dhacay
markaas bal malay?!!! wuxuu ku milmay Iligii oo ku baaba'ay
Sharaabkii Mudo 10 Casho gudohood ah!!!! iyada oo ay yihiin
Ilkaha iyo Lafuhu Xubnaha keli ah ee soo hadha marka uu
dhamaado Jidhka intiisa kale Sanada badan ka dib marka u
dhinto Qofku
Bal malay!!!!!!!! waxa ay ku samaynayso Sharaabkan Gaasta
ahi Xiidmahiina jiljilicsan iyo Caloosheena hoosteeda! waxan
filayaa in intaas iyo wixii ka horeeyayba ugu filan yihiin
Waano iyo Wacyi gelin Cidii Allaah tacaalaa Hanuun la doono
Cilaaqaadka
ka dhexeeya Muslimiinta
Waxaa ah wax laga xumaado oo ah Tiiraan, Ciil, Cadho iyo
Dulinimoba Xaalada ay Maanta ku sugan tahay Ummada "Laa
Ilaaha ilaa Allaah", Ummada Maxamed sala Allahu calayhi
wasalam, Ummada Islaamka. Xaaladaas oo ah mid aan raali
gelinayn Rabiga Caalamiinka oo aan raali gelinayn iyaga
laftooda oo aan hadana raali gelinayn Cadawgooda bal aan
raali gelinayn Shaydaanka iska daa Cid kale oo, taasna wax
kale ma keenin ee waxa keenay ka jeedshada aynu ka jeedsanay
Diinteena, Allaahna casaa wajalaa waa inoogu balan qaaday
hadaynu ka tagno Diinteena in uu inagu salidaayo Dulinimo
aanu inaga kor qaadayn ilaa aan ku noqono Diinteena
Xadiithka arintan ka hadlaayay waxaynu ku soo aragnay Qoraal
hore oo Turjumaad ahaa oo Cinwaankiisu ahaa"Su'aal wayn oo
aad u muhiim ah"
Lagana helaayo ilaa hada Mareegaha inshaa Allaah xaga
hoose baan idiinku soo qorayaa meesha laga helaayo waayo ma
aan rabo in aan hada Qoraalkan ku soo qaato maadaam aynu
dhowaan ka dhegaysanay Caalim jaliil ah welina la helaayo,
ee waxan jecelahay in aan Munaasibadan ku soo qaato anoo aan
sii dheerayn Qoraalkan hadal uu yidhi Saxaabi jaliil ahi waa
Cumar Alfaaruuq Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu ALKhadaab
radiya Allaahu canhu waana:
(Anagu
waxaanu nahay Qoom Allaah tacaalaa ku quweeyay oo ku
karaamayay kuna sharfay Islaamka, markaa hadii aanu ka doono Quwada
iyo Karaamada iyo Sharafta Qayrkiis Allaah casaa wajalaa wuu
na Dulaynayaa)
Markaad Diintaada ka tago Dulinimada Allaah kugu salidayaa
waxay kaaga imanaysaa dhinacya badan ee maaha in ay
Cadawgaaga oo keli ah kaaga imanayso, tusaale waxay kaaga
imanaysaa gudahaaga oo idinkii baa is colaysanaya oo Cadaw
isu noqonaaya Cadawgaagiina wuxuu idiin noqonayaa
dhexdhexaadiye idiin kala dab qaada oo aad u kala
dheeraysaan raali gelintiisa, waana taas ta ay ka cabanayaan
Akhyaartan aan hada Hadalkooda hayno, markaa waxaan
jecelahay in aan dareensiiyo Odayaasha ma ah adiga oo keli
ah kan cabanayaa ee
Muslimiin oo dhame sidaas bay u kala cabanayaan, kuwaas aad
ka cabanaysid iyaguna dhexdooda way kala cabanayaan adigana
way kaa cabanayaan
Bal taas soo ba dhaaf oo miyaynaan inaku hadaynu
Somali nahay aynaan ahayn
tusaalaha ugu haboon arintani inaga oo isku Isir,Af,
Dhaqan,Diin,Madhab iyo isku midaba ah oo hadana isku dhex
daadsan oo is wada dhalay bal ma ii sheegi kartaan waxa isku
keen diray oo aynu isu xalaalaysanay Dhiigeena iyo
Cirdigeenii iyo Xooleheeniiba oo isu cadaawadaysanay oo
dabadeedna ina gaadhsiiyay Dulinimo heerkii ugu sareeyay oo
aanay jirin Caalamka Cid heerkaa Dulinimo ka gaadhay?!!!!
shaki kuma jiro inay tahay sababtu Diinteenii oo aan ka
tagnay Aduunkana aan si iimaan la'aan ah u daba cararay
sidii kuwo weligood ku noolaanaaya!!! wanaag iyo inaan
dhibtaa ka baxnaana waa mid aan dhacayn ilaa aynu ku noqono
Diinteena
Hadaba Walaalayaal arintu ma ah waxa inaga inagu kooban ee waa
mid la wada qabaa dhamaan Wadamad Islaamka oo dhan sidaas
baa loo kala wada cabanayaa sababtuna waa taas aan soo
sheegnay, laakiin waxad helaysaa Wadan kasta oo aad tagtid
in inta yar ee Allaah tacaalaa Hanuunka ku Manaystay inay ka
duwan yihiin Dadka intiisa kale agtoodna aad ka dareemayso
Walaaltinimo xaqiiqo ah
Markaa waxa inala gudboon sidii aan arintan ku bedeli
lahayn waana inaga oo ku noqono Diinteena oo u fahamna sida
saxa ah ee ay ku soo degtay, laakiin hadaynu is nidhaahno ku
noqda Diintiinii laakiin se aan u maro Dariiq aan sax ahayn
iyo Manhaj aan ahayn kii Nebi Maxamed sala Allaahu calayhi
wasalam ogow oo waxba ma aynu soo kordhin dhib ma aynu kaga
baxayno. ugu dambayntii waxaan idin leeyahay Muslim oo dhami
waa wada Walaalo Wadan kasta oo Muslim ahina waa Wadankaagii
Ayaheenuna waa mid si kasta Maanta arimuhu ha u muuqdeen ee.
Allaah tacaalaa waxaan u waydiinayaa aniga iyo idinkaba in
uu na cafiyo inana siiyo Caafimaad labada Daaroodba ah
Wabillaahi atowfiiq
"Su'aal wayn oo aad u muhiim ah" halkan ka aqriso:
Ceegaag:
http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2008/Feb%202008/su_aal_wayn_oo_aad_u_muhiim_ah.htm
ama
Doorasho:
http://doorasho.bravehost.com/Su'aal%20wayn.htm
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |