shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibad Bax Lagu taageerayay Hindisihii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, March 20, 2008 Ceegaag Online) 

Mas`uuliyiin isugu jira Xillibaano ka tirsan Baarlamaanka, maamulka Gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidanka, bambeyda, ururada haweynka, Dhalinyarada, iyo shacbi weynaha magaalada Baydhabo ayaa maanta ka qeyb qaatay dibad bax waa barigii maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Dibadbaxani waxa uu ahaa mid lagu taageerayay hadalkii dhawaan ka soo yeerey Ra`iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka KMG Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, kaasi oo ku saabsanaa in wada hadal lalagalo kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Isusoobaxan maanta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa soo qaban qaabiyay mas`uuliyiinta maamulka gobolka Bay, iyadoona boqolaal dad ah saaka ay ka qeyb qaateen isu soobaxaasi.

Dibad baxyaasha ayaa waxay socdaal ka bilaabeen Taalada Cabdalla Deerow waxayna socod dheere ku mareen wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo, iyagoo si tay Boorar ay ku qornaayeen guul guul guul Ra`iisal wasaare Nuur Cadde iyo ereyo la mid ah

Ugu dambeyntii, isu soo baxayaasha waxa ay isugu yimaadeen Barxadda Weyn ee Hotel Aadan, halkaasi oo qudbado ay ka soo jeediyeen Mas`uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kuwa degmada.

Mas`uulyiiintii ka hadashay dibad baxaasi waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay C/fataax Maxamed Ibraahim Geeseey, isagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin hadalka Ra`iisal wasaaraha oona ku saleysan dhinaca dib u heshiisiinta.

Sidoo kale guddoomiye maamulka gobolka Bay waxa uu u baaqay soomaalida meel kasta ay joogaan in ay kawada shaqeeyaan sidii loo xasilin lahaa dalka soomaaliya oo muddo sanno burbur ka jiray.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com