shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibadbax lagu taagerayo qorshaha dib u heshisiinta Dowladda ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magaaalada Muqdisho.

(Muqdisho, March 22, 2008 Ceegaag Online)

Kumanaan dad ah oo taageersan qorshaha dib u heshiisiinta uu wado Ra'iisal wasaare Nuur Caddde ayaa isu soo baxay fagaaraha garoonka Banaadir Stadium halkaas oo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo wasiirka Arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan qorshaha dib u heshiisiinta ee uu wado Ra'isul wasaare Nuur Cadde, isagoo intaa raaciyey in dadaalada dib u heshiisiinta ay tahay in la taageero isla markaana ay tahay wadada kaliya ee looga bixi karo dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira dalka.

Wasirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Muuse Nuur Amiin oo isna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in dowladdu ay dadaalka ugu weyn gelineyso dhinaca dib u heshiisiinta islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid kasta oo dooneysa maslaxadda umadda Soomaaliyed.

Wuxuu intaa raaciyey Muuse Nuur Amiin in sii socoshada dagaalka aaney dadka shacabka ah dan ugu jirin islamarkaana loo baahan yahay in la soo gunaanado oo laga haro dhibaatooyinka dagaalada ay keenaan, wuxuuna qolyaha mucaaradka ah ugu baaqay in ay miiska wada hadalka yimaadaan si looga baxo dagaalada shacabka badan aafeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dibadbaxa lagu taageerayo qorsaha dib u heshiisinta ee Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii dorraad aheyd uu banaan bax ka dhacay magaalada Beydhabo kaas oo lagu taageerayey dib u heshisiinta Nuur Cadde

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com