Diyaarad Nooca
wax Basaasa ah oo kusoo dhacdey Magaalada Marka ee Gobolka
Sh/Hoose.
(Marka, March 28,
2008 Ceegaag Online)
Wararka naga
soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha
Hoose ayaa sheegaya inay Diyaarad nooca wax basaasa ah kusoo
dhacday Deegaanka cagaaran oo 3-KM, dhanka galbeed kaga
beegan magaalada Marka.
Diyaaradaani ayaa waxaa dadka deegaankaasi ku dhaqan ku
warameen in ay ku rakiban yihiin kaamirooyin iyo waxyaabo
kale isla markaana ku soo dhacday mudo saacad ka hor
deegaankaasi iyada oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay in
ay soo dhacdo.
Dadka ku dhaqan goobta ay diyaaradu ku soo dhacday ayaa mar
kaliga ku wada orday diyaaradii waxaana la sheegay, Mudo
kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo aad u farabadan
oo ka socda Maamulka gobolka isla markaana haatan baaritaano
ku wada sababaha keenay in diyaaradu soo dhacdo.
Lama oga in diyaaradani u soo dhacday cilad la soo daristay
iyo in kale laakiin waxaa la rumeyan yahay in diyaaradu u
soo dhacday cilad iyada soo wajahday Wasiirka Arrimaha
Gudaha ee Dowladda Federaalka oo la xiriiray ma’uuliyiinka
Magaalada Marka ayaa u sheegay in aanan loo dhawaan inta la
helayo wadanka sheegta Diyaaradan Nooca wax Basaasa ah ee
kusoo dhacdey Marka.
Diyaaradaani Maanta ku soo dhacday deegaanka cagaaran ayaa
waxaa ay ka mid aheyd diyaaradaha Maraykanka ee inta badan
dul heehaaba hawada dalka soomaaliya gaar ahaan Gobolada
Koonfur Somalia kuwaasi oo inta badan la socda dhaq dhaqaaqa
dalka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |