shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladaha Yemen iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Geeska Afrika gaar ahaan tan dalka Somalia.

(Sana'a, March 17, 2008 Ceegaag Online)

Wafdi uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Ethiopia Tekeda Alemu oo booqasho ku jooga magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa dhambaal uu soo diray Ra'isul wasaare Meles Zenawi u gubiyey madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Wakaaladda wararka SABA ayaa ka so xigatay sargaal ka mid ah wafdiga wasiiru-dowladda
Ethiopia in ay dhambaalka uu soo diray ra'isulwasaaaraha Ethiopia ay ka hadleyso xaaladaha Geeska Afrika, isagoo sheegay in dhambaalka uu si gaar ah u taabanayo xaaladda dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladaha
Ethiopia iyoYemen ay isku afgarteen in la xoojiyo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal, isla markaana dowladda federaalka lagu gacan siiyo sidii ay u kasban laheyd amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdiga ka socda
Ethiopia ay madaxda Sanca ka dhaadhicinayaa in ay abuuraan jawi lagu wada hadalsiin karo xukuumadda federaalka iyo kooxaha mucaaradka ku ah si loo abuuro jawi deganaan ah ls iskuna soo hor fadhiisiyo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com