shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Ethiopia ayaa soo dhaweysay go'aanadii ka soo baxay Shirkii Dalalka Islaamku dhawaan ku yeesheen Magaalada Dakar.

(Addis Ababa, March 18, 2008 Ceegaag Online)

Sargaal sare oo u hadlay xukuumadda Ethiopia ayaa soo dhaweeyay war murtiyeeedkii laga soo saaray shirkii ururka islaamka islamarkaana ay ku farax san yihiin qodobadii laga soo saaray shirka.

Wuxuuu sheegay in madaxda Islaamka ay ku baaqeen in a taageero Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM ee howlaha nabad ilaalinta ah u jooga dalka Soomaaliya, si dib loogu hanto kala dambeyntii dalka Soomaaliya.

Madaxda Dalalka Islaamka ee ka qeyb galay kulankii ka dhacay dalka Senegal ayaa Dowladda Ethiopia ku eedeeyey in ay qeyb ka tahay dhibatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in xal nabadeed lagu raadiyo dhibka ka jira dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in aanu lagu xalin karin qaab milatari.

Ethiopia waxa ay hadda si weyn uga muuqataa dalka Soomaaliya, waxaana gudaha dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidamadeeda ah, waxaana Dowladda Ethiopia ay mar walba beesha caalamka ugu baaqdaa in ay ciidamo nabad ilaalineed oo ka kala socda Qaramada Midoobey iyo midowga Africa yimaadaan dalka Soomaaliya si ay ciidameeda ugala baxdo Gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com