shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Arimaha Somalia oo dalbaday in ciidamo nabad ilaalineed loo soo diro Somalia.

(New York, March 21, 2008 Ceegaag Online) 

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da qeybeeta English-ka ku sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay waajib tahay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo soo diro dalka Soomaaliya si loo hakiyo dhibaatada dhinaca bina aadnimada ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Xubnaha kujira golaha ammaanka ayaa iyaguna muujiyay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, balse waxay ku nuux nuuxsadeen inay adag tahay in xili dhow ciidamo ka socda Qaramada Midoobay iman doonaan dalka Soomaaliya.

Waxaa horey loogu taliyay in Qaramada Midoobay ay u soo dirto dalka Soomaaliya 27,000 oo military iyo Booliis isugu jira.

Dhowaan golaha ammaanku wuxuu waqti lix bilood ah ugu daray hawlgalka ciidamada Amisom ee Midowga Africa ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya.

Ergayga qaaska ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in beesha caalamku tahay in ciidamo u soo dirto wadanka Soomaaliya kuwaas oo dadka Soomaalida ka ilaaliya tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadaha.

Ayadoo dad farabadan oo Soomaali ah ay ka hadleen arinta Soomaaliya ilaa haatan waxaa jira fal loo baahanyahay in wax loogu qabto dhibaatooyinka ka dhanka ah dadka rayidka ah ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com