shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku saabsan Dagaaladii maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, March 19, 2008 Ceegaag Online)

Mid kamid dagaaladii ugu cuslaa ee in muddo ah ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Ethoipa oo isku garab ah iyo kooxaha ka horjeeda waxa uu ku dhexmaray deegaanka Suuqa xoolaha degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa biloway markii ciidamo kuwa Ethoipio ka tirsan ay gudaha u galeen deegaanka Suuqa Xoolaha, waxaana markaas dagaal kala hor yimid kooxaha ka horjeeda joogitaankooda, iyadoo dagaalka uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiida kala duan.

Inka badan 10-qof ayaa ku dhintay dagaalka kuwaas oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo dad rayid ah, waxaana wararku sheegayaan in dadka dhintay qaarkood ay ku habsadeen madaafiic ku dhacay deegaanadii ay daganaayeen.

Isbitaalada Keydsaney iyo Dayniile ayaa la dhigay tiro badan oo dad ah kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaalka ka qarxay deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa, waxaana wararku sheegayaan in khasaaraha ka dhashay dagaalka uu intaa ka badan karo marka loo eego xadiga uu leeyahay.

Kooxaha ka horjeeda dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta xerada Maslax oo ku taal duleedka deegaanka Suuqa Xoolaha halkaas oo ay deganaayeen ciidamo isugu jira
Ethiopia iyo kuwa dowladda ee lagu soo tababaray gudaha dalka Ethiopia.

La wareegista xerada Maslax ayaa la sheegay inay kooxaha ka horjeeda dowladda u sahashay markii ciidamo tiro yar oo
Ethiopia- ah lagu reebay xeradaas halkaas oo kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen sidaana ay kula wareegeen.

Dad fara badan ayaa ku yaacay halkaas markii kooxaha ka horjeeda dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta xeradaas, iyadoo ciidamadii fariisinka ku lahaa halkaas ay u soo weecdeen dhinaca warshadda Baastada oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ciidamada
Ethiopia ku leeyihiin degmooyinka Hurwaa iyo Yaaqshid.

Dagaalka ayaa iminka u weecday dhinaca Sos iyo Excontrol oo ay ku taalo wadada aadda xarunta warshadda Baastada oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada
Ethiopia islamarkaana ciidamadii laga soo saaray xerada Maslax halkaas u jabeen.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan maanta ka qarxay deegaanadaas ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii inaga tagay aaney wax dagaallo ah ka dhicin magaalada Muqdisho oo badanaa ay joogto ka noqdeen dagaalada u dhexeeya ciidamada dowadda iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo kooxaha ka horjeeda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com