shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda MSF ayaa sheegtay inay dib uga howlgaleyso Gudaha Somalia.

(Somalia, March 24, 2008 Ceegaag Online)

Hay’adda caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF ayaa sheegtay inay dib uga howl galeyso gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay horey uga baxday sababo xagga amaanka ah.

War ka soo baxay MSF ayaa lagu sheegay in iminka ay muuqanayso horumar dhinaca nabadda ah oo laga gaaray deegaano horey nabadgalyo xumo ay uga jirtey.

MSF waxay sheegtay in ay dooneyso in ay mar kale ka howlgasho gudaha Soomaaliya oo ay dib u bilowdo caawinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, iyadoo intaas raacisay in tan iyo markii ay ka soo baxday gudaha Soomaaliya ay sii kordheen dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.

MSF waxa ay rajo xooggan ma muujisay in ay dib uga howl bilowdo dalka Soomaaliya iyadoo ay aad u amaantay xaalado la xiriira dhinaca amaanka oo ay sheegtay Hay'addu in ay iska badaleen deegaano markii hore ay nabad xumi ka jirtay.

Magaalada xarunta u ah gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo ayaa lagu dilay sedex kamid ah shaqaalaha Hay'adda MSF markii miino dhulka loogu aasay halka magaalada xarunta u ah gobolka Bari ee Bosaaso dharaar cad lagu afduubtay labo kamid ahaa shaqaalaha Hay'adda MSF.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com