shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda MSF Swiss oo xarun lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurka shubanka maanta ka furtay deegaanka Xaawo Cabdi.

(Muqdisho, March 26, 2008 Ceegaag Online)

Hay'adda MDF Swiss ayaa maanta xarun lagu xanaaneeyo bukaanada la iil daran cudurka shubanka ka furtay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sargaal u hadlay hay'adda MDF oo la yiraahdo Feysal C/qaadir ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee hay'addu xarun uga furtay deegaanka Xaawo Cabdi ay tahay sidii loo caawin lahaa dadka uu waxyeeleynayo cudurka shubanka, isagoo inaa ku daray in dadka imaanaya xarunta aan wax lacag ah laga qaadeynin oo si bilaash ah lagu daaweynayo.

Feysal wuxuu xusay in xarunta ay hadda kadib imaanayaan dadka la iil daran cudurka shubanka islamarkaana ay mar kaliya jiifan karaan inka badan 100 bukaan iyado halkaas ay ka howlgalayaan dhaqaatiir uu sheegay in ay qibrad u leeyihiin daweynta dadka uu soo rito cudurka shubanka.

MSF Swiss ayaa xarunta ay maanta ka furtay deegaanka Xaawo Cabdi waxay ku soo beegmeysaa xilli ay dhawaan sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF in ay dib uga howlgalayaan dalka Soomaaliya kadib markii ay shaqaalahooda kala bexeen gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com