shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda WFP ayaa raashin u qeybisay dadka ku dhaqan degmada Afmadow ee gobolka J/hoose

(Afmadow, March 17, 2008 Ceegaag Online)

Hay'adda WFP ayaa raashin u qeybisay dadka ku dhaqan degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, iyadoo deeqdaas raashinka ah ee Hay'addu ay qeybisay ayaa isugu jiray Galeey, Digir, Misir iyo Saliid.

Dadka loo qebiyey deeqda raashinka ah oo u badnaa dad aad u tabaaleysan ayaa isugu jiray kuwa ka barakacay magaalada Muqdisho iyo kuwa ka yimid qeybo kamid ah gobolka J/hoose oo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la'aan isla markaana degmada Afmadow soo miciin biday.

Wararka laga helayo degmada Afmadow ayaa tibaaxaya in qeybinta deeqda raashinka ah ee Hay'adda WFP ay u dhacday si fiican islamarkaana ay ciidamada amaanka degmadaas ka qeyb qaateen sugidda amaanka inta ay socotay bixinta deeqda raashinka ah.

                        

Deegaano kamid ah gobolka J/hoose oo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la'aan baahsan ayey waxgarad deegaaadaas ka soo jeeda waxa ay ka codsadeen Hay'addaha gargaarka in ay deeq la soo gaaraan dadka, iyagoo sheegay in dadka iyo xoolaha ay halis ugu jiraan in ay biyo la'aan u dhintaan.

Hay'adda WFP iyo qaar kale oo kamid ah hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa deeqo kaalmo ah oo aan wax badan ka tirin baahida iyo abaaraha xiligaan ka jira gobolada dalka waxa ay gaarsiiyaan deegaano ay abaaro xooggan ka jiraan .

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com