Ka digtoonow
Hurdada ka badan 9 Saacadood
(Somalia, March
23,
2008 Ceegaag Online)
Waxa
laga yaabaa in Dadka qaarkii la yaabaan markay aqriyaan
Cinwaanka Qoraalkan,waayo Hurdadu waxay u leedahay Qofka
ahmiyad gaar ah oo aanay suurta gal ahayn in uu ka maarmo
haba yaraatee weligiiba
Waxayna u arkaan qaarkood in markii ay sii badato
Hurdadooduba ay sii badanayso dareenkooda Raaxda ay ka
heleen Hurdadaasi, Aragtida noocan ahina waa mid khaldan oo
aan sax ahayn laakiin ku jirta Dihniga Dad badan, waxay se
cadayeen Diraasado ama Baadhitaano la samayay in Hurdada ka
badan intii loogu tala galay ay u soo jiido Saaxiibkeeda
Xanuuno aad u Khatar ah gaar ahaan Xanuunada Wadnaha iyo
Maskaxda waxana ay keeni kartaa Xanuunada kala duwan ee
labadaa Xubnood ku dhaca taas oo keeni karta taas ka dib Geerida
Qofkaa Allaah ha inaga hayee
Hadaba Qiyaasta feyow ee Hurdada Maalin walba ahi waa inta u
dhexaysa 7 ilaa iyo 9 Saacadood Maalin walba, taas ayaa
waxay siinaysaa Qofka firfircooni aad u badan, waana tan u
adeegaysa Qofka Noloshiisa Shaqa ahaaneed, mar kastana oo ay
badato mudada Hurdada ee Maalin walba waxaa sii badanaaya
Caajiska iyo Daalanaanta Qofka wuxuuna isu arkayaa inuu u
baahan yahay Hurda intaa ka sii badan oo ka sii badan
Waxayna cadayeen Diraasado ama Baadhitaano kale in Hurdada
badani sababto inuu u shaqeeyo si aan caadi ahayn Mishiinka
Neefsashada waxayna daciifisaa Awooda uu ku helaayo Kimiyado
ku filan oo ah Oxygen ta, markaas ayaad arkaysaa inuu Qofku
ka kaco Hurdada isaga oo dareensan Daal iyo deganaansho
la'aan
Waxayna u maleeyaan Dadka qaar in ay Raaxadu ku jirto inta ay
le'eg tahay Mudada Hurda ee uu Qofku seexdo, taasina waa
Fikir aan feyowbayn Raaxaduna kuma timaado Mudada Hurdada
gaabnideeda iyo dheeraanteeda midna ee bal waxay ku timaadaa
inta ay godan tahay ama xoogan tahay Hurdadu, marka uu ka
fogaado Qofku Daawooyinka Qofka dejiya, kuwa seexiya iyo wax
yaabaha soo jeedista keena oo uu helo Jawi dhexdhexaad ah oo
aan Qabowna ahayn Kulna ahayn taas ayuu ka helayaa Raaxada
la doonaayo ee laga faa'iidaysanaayo Hurdada, waxana ka mid
ah Hurdooyinka khaladka ah ee badanaa dhacada gaar ahaan
Bulshooyinkeena waa Hurdooyinka la seexdo marka wax la cuno
ka dib si toos ah
Hurdoonyinka noocaas ahi waxay sababaan inuu Qofku naaxo
waxayna daciifisaa Awooda jidhka, Arintana waxa waajib ah
inay ogaadaan dhamaan Dadka ay Bulshadu ka kooban tahay
waayo Dadka qaar ma siiyaan sababahakan qadar ku filan oo ay
kaga fogaadaan markaas ayay ugu dhacaan si ka fiirsi la'aan
ah
Hurdada se caafimaadka ahi waxa waajib ah in ay xaqiijiso
saddex Shuruudood:
1- tan ugu horaysa Raaxa xaga Jidhka ah
2- tan labaad Raaxa xaga Caadifada ah
3- tan u dambaysaana waa Raaxa xaga Fikirka ah
Markii ay dhamaystirmaan Shuruudahan saddexda ahi waxay u
soo jiidayaan Qofka Hurda caafimaad leh oo ku haboon
Jidhkiisa, waxaana jira halkaa Jidhka Qofka Hormone la
yidhaahdo Cyrotonin kaas oo qabta muhimada ah seexinta
Jidhka Qofka, waxana la yaab leh Hormone
kan ay ku kordho soo
dayntiisu Gudcurka ama meesha madow oo aan Iftiinka lahayn
wuxuuna ku tiirsan yahay hadba inta ay le'eg tahay Derejada
Iftiinka ku xeeran Jidhka Qofka
Markaa siduu Allaah tacaalaa inoogu sheegay Quraanka
kariimka ah ee uu yidhi:
(
waxaanu ka yeelnay Hurdadiina Nasasho iyo Raaxo, waxaanuna
ka yeelay Habeenka mid ku dedaaya madowgiisa, waxaanuna ka
yeelay Maalinta Risqi raadsasho)
Hadaba Hurdada
dabeeciga ahi ma noqonayso mid aan ahayn tan Habeenkii,
Hurdada se loo yaqaano Qayluulada oo ah tan Duhurkii la
seexdo goorta aad dareento Hurdo Waqtiga Duhurnimada iska
seexo waa mudo Raaxa ah oo u soo celinaysa Jidhka
firfircoonaantiisii ee mana aha laasim inay noqoto Hurdo
qaadata Saacado ee bal waxa ku filan muda yar oo gaaban oo
aan ka badnayn Saacad Badhkeeda
Caajiska iyo dawadiisa se waxa suura gal ah inaad kaga
adkaato adoo ka fogaada Hurdada Muda dheer Maalinimadii kana
fogaada wax yaabaha soo jeedista keena saddex Saacadood ka
hor ugu yaraan intaadan seexan iyo adiga oo u diyaariya
Jawiga ku haboon Hurdada sidaas ayaa suura gal ah inaad kaga
adkaato Caajiska
Wax yaabaha kaa saacidi kara inaad hesho Hurda Degan
Arima kala duwan
ayaa suura gal ah inay saamayn ku yeeshaan Hurdadaada laga
soo bilaabo Daal iyo ilaa Tiiraanyo ilaa iyo isbedela yaryar
oo ku yimaada Hawlahaaga Maalin laha ah, hadaba hadii ay
kula tahay ama aad dareemaysid inaad waayayso Hurdadaada
Habeen degan waxa kula gudboon inaad ku kacdo talooyinka
Habeenkaa ama aadba caado ka dhigto markaad ka baqdo Hurda
la'aanba:
1- Is debci Dihinkaagana deji una ogolow Caqligaaga iyo
Jidhkaagaba mudo Deganaansha ah, waxaadna isku daydaa inaad
ku kacdo Shaqa degan sida inaad Xamaamka gasho oo aad
maydhato ama aad heshid wax yar oo is Duugis ah ama aad
dhegaysato Quraanka Allaah oo loo aqriyaayo si degan
2- Ha isku deyin inaad isku dirqido Hurdada maadaama ay
Dhibi kaa haysato Hurdada hana u ogolaan Naftaada inuu
burbur ku yimaado waayo taasu waxay sii kordhinaysaa Xaalada
deganaansha la'aanta ah ee ku haysa arintuna waa ay sii
xumaanaysaa, markaa Xeeldheerayaal badan ayaa waxay ku
talinayaan inaad ka kacdo Sariirta Laydhka Qolkana shidato
oo isku mashquuliso wuxuun Shaqa ah oo degan sida inaad wax
aqrido ama aad internet ka furato Bogag ku xiisa geliya oo
aad daalacato ama aad dhegaysato Quraanka oo lagu aqriyaayo
Cod degan sidaasna ku soco ilaa aad dareento inaad Hurdo u
baahantahay dabadeedna ku noqo Sariirta oo seexo, hadaad
dareento inaan weli Hurdo ku hayn dib u samay arintii aad ka
hor samaynaysay
3-Seexo Hurdada qadarka uu uga baahan yahay Jidhkaagu
Hurdada mana ah inaad seexato mid ka badan ama ka yar ogowna
in Kimiyada Hurdada ee uu u baahan yahay inuu ku soo ceshado
Caqligaagu iyo Jidhkaagu firfircoonaantiisa uu Qofba Qofka
kale kaga duwan yahay markaa si aad u qiyaastid Kimiyadaas
waa inaad ogaataa Saacadaha Hurdada ee kugu filan ee aad
dabadeed dareemaysid inaad raaxaysatay oo dareemayso inaad
si haboon u gudanayso Hawlahaaga Maalinta xigta
4- Waxaynu raacnaa in badan Caadooyinka Jidhkeenuna waa
sidaas oo kale markaa caadayso inaad seexato oo kacdo
Waqtiya cayiman xataa markaad ku jirto Fasaxa
Todobaadkii,xataa hadii ay Dhibi kaa haysato taas seexato in
aad ilaaliso in aad Waqtiya cayiman seexato oo kacdo waxay
kugu celinaysaa Hurdadii Caafimaadka ahayd kana fogow inaad
ku qaadato Fasaxaaga Todobaadkii dhamaantiis Hurdo waayo
taasi waxay ka dhigaysaa Nidaamka Hurdadaada ee Maalinta
Sabtida ah waxaan caadi inaba ahayn, arintan waxa kaa
gargaraaya oo aad Badhaadhe labada Daaroodba ah iyo Hurda
Caafimaad lehba aad ka helaysaa waa adiga oo ilaaliya inaad
tukato Salaad walba Waqtigeeda oo Jamaacada cadaysto inaad
la tukato
5- ka fogow Caffeine
ta ama yaray wax yaabaha laga helo sida Bunka,Chocolate ka
iyo Shaaha waayo waxa suur gal ah in Caffeine tu ka dhigto
wax adag inaad hesho Hurda degan markay Habeenkii tahay ama
ugu yaraan uu ku gaadhsiiyo Hurda la'aan joogta ah,
saamaynta ay ku yeelato Caffeine tu way ku kala gedisan
tahay Dadka badankiisu waxa laga yaabaa in qaar ay saamaynta
ay ku reebto Caffeine ta Koob Bun ah ama Jab Chocolate ahi
ay la socoto muda gaadhaysa in ka badan Sideed Saacadood
6- ka fogow wixii Isbiirta leh(Alchole), Dad badan baa waxay
u malaynayaan in Sharaabkaas leh Isbiirtadu ay ku
gargaraayso in ay seexdaan ama ay dareemaan Raaxo sida
xaqiiqda ah se waxay sababtaa xasilooni daro Hurdada ah iyo
Hurdada oo aad hadba ka kacdid marar badan
7- Jooji cabista Sigaarka iyo wixii la mid ahba ee leh
Maadada wax soo jeedisa ee Nicotine ka, Baadhitaano ayaa
waxay muujiyeen in Dadka caba Sigaarku ay la il daran yihiin
dhibaato ka haysata xaga Hurdada, cabista Sigaarkuna waxa
suura gal ah inuu keeno Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure)
oo kor u kaca iyo saamaynta uu ku reebi karo Wadnaha, han
ilaabin khatarta ku sugan Xabad Sigaar ah oo aad shidato
adoo Sariirta jiifa
8-Ilaali waxaad cunayso iyo goorta aad wax cunaysoba, in aad
cuntid Saami Cunta ah oo wayn wuxuu kaa yeelayaa in dareento
Daal, isku dayga inaad hesho Qadar yar oo Hurda ah
dabadiisana wuxuu noqon karaa arin aad u Wareer ah waayo
Jidhku Waqtigaas wuxuu noqonayaa inuu ku mashquulsan yahay raqdinta
Kimiyadahaa badan ee cuntada ah oo hada cuntay, dhinaca kale
inaad Sariirta aado adiga oo dareemaaya Gaajo ma ay
wanaagsana sidaas darteed ka dhig wax yar Saamigaaga Cuntada
ah ee Gelinka dambe waana inuu lahaadaa wuxuun Proteine ah si
aad isaga ilaaliso Gaajada markaa ka dib, hadiina ay tahay
laabud inaad wax cunto inta aanad Hurda tegin waxa lagama
maarmaan ah inuu noqodo ugu yaraan Laba Saacadood ka hor
intaadan Hurda tegin Cuntadaasuna lahaato Carbohyderates
sidoo kale Caanaha diiran iyaguna aad ayay muhiim u yihiin,
waxa kale oo haboon inaad ka fogaato Cuntada Dufanku ku
badan yahay iyo tan leh Xawaashka badan iyo Thoomta xad
dhaafka ah waayo kuwaas waxay keenayaan inay adkayaan
raqdinta cuntada iyo Acidity Xiidmaha ah
9- Inaad ku kacdo
Ciyaaro Jimicsi ah si joogta ah Waqtiga ku haboon taas waxaa
suura gal ah inay kaa gargaarto in badan in aad u seexato si
sahlan oo wanaagsan, Ciyaaraha Jimicsiga ee aad samayso
Waqti dambe oo Duhurkii ah ama goor hore oo Galabnimada ah
waxay uga waxtar badan tahay inaad hesho Hurda wanaagsan Jimicsiyada
aad samaysid Aroortii ama goor dambe oo Galabnimadii ah
10- Iska hubi nadaafada Qolkaaga iyo inay Sariirtaadu ka
madhan tahay ama ka feyowdahay wax Xasharaad ah waayo
nadaafad la'aanta Sariirta iyo inay Xasharaad leedahay waxay
ka dhigaysaa inaad hesho Hurdo wax dhib badan sidoo kale
iska hubso ma ka jiraa halkaa Buuq cod dhaadheer ah
Habeenkii? iyo ma kaaga soo gelaayaa Laydh ama Iftiin kale Daaqadaha
iyo Albaabada? miyuu Qolku u diiran yahay si xad dhaaf ah?
ma Caruur ama Xayawaano Murabi ah baa Hurdada kaa kiciya
Habeenkii? Wareerada noocan ah oo ay Bii'adu leedahay waxa
suura gal ah in aan bedelo oo tusaale ahaan waxa suura gal
inoo ah inaan gashano waxyaabaha Indhaha lagu qariyo oo kaa
ilaaliya Iftiinka Habeenkii ama inaad Daahyo ku xidhid
dhamaan Daqadaha Qolka ama Gurigaba
Waxay tahay Mushkilada Dad badan haysataa gaar ahaan kuwaa
la il daran Hurda yarida ama Hurdada aan nadaamsanayn inay
kaga imanayso kuwa ay Sariirta la wadaagaan, hadii uu kaad
Sariirta wadaagtaan la il daran yahay Hurda la'aan iyo
Khuuro ama uu leeyahay caada taas la mid ah waxay taasu
saamaynaysaa Hurdadaada, markaa waxa lagama maarmaan ah
inaad arintaa dib u eegto oo aad kala falanqooto arimahan cidaad
Sariirta wadaagtaan ama Qolka si aad uga badbaadaan is faham
la'aan aadna ugu heshaan Xal ku haboon arintan oo ay ka mid
noqon karto inaad kala seexataan Sariiro ama Qolal kala gaar
ah
Xikmad baa waxay
tidhaahdaa ha waydiin Dhakhtarka ee waydii Mujaribka dabcan
tan wax walba kuma dabiqi karo in la waydiiyo wax walba oo
loo tago Dhakhtarkana waa waajib in taladiisa la qaataana
waa waajib waayo isaga ayaa Aqoon u leh Xanuunada iyo
daawayntooda oo waxa laga yaabaa in Daawo Qof kale ku
bogsaday aanay adiga kugu haboonayn amaba ay wax ku yeelayso,
taasna Dhakhtarka oo keli ah baa garan kara. laakiin waxa
jirta marmar aan dabaqi karo sida tan soo socata oo kale:
Waana mid aan khibrad u leeyahay anigu oo isoo martay
waxayna tahay Waqti sii horeeyay oo aanay Islaamnimadaydu
fiicnayn Allaah ha iga cafiyo ee baan waxaan ku ibtilaysnaa
sida Soomaali badani hada ugu ibtilaysan tahay ruugista
Bahalka la yidhaahdo Qaadka, si xun baan u ruugi jiray
Waqtigaas waxay aad dhibi iiga haysan jirtay Hurdada oo
aanan Hurda fiican seexan jirin
Markii aan isagii iska daayayna waxan ku bedelay soo jeed
iyo in aan daawado TV ga Hurda xumadiina way igaga sii
dartay runtii maan seexan jirin Hurda la sheego markaan hada
xusuustona waxan la yaabaa sidaan u noolaa, si kastaba ha
ahaatee waxa Hurda caafimaad leh oo nadaamsan iigu horaysa
Maalintaan bilaabay in aan ilaaliyo oo Salaada ku tukado
Waqtigeeda Jamaacadana la tukado runtii taas baana ku filan
in ay dhamayso Dhibaatooyinka kaa haysta Hurdada oo dhan
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa ururiyay oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |