Kooxo hubeysan
ayaa xalay toogasho ku dilay guddoomiyihii hore degmada
Baledweyne Axmed gobey Cawaale.
(Galgadud, March
17,
2008 Ceegaag Online)
Kooxo
hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay guddoomiyihii hore
degmada Baledeyne ee maamulka gobolka Axmed gobey Cawaale,
xilli uu ku soo jeeday magaalada Baledweyne ee gobolka
Hiiraan.
Mas'uulkaan
ayaa lagu dilay tuulo la yiraahdo Ceeldheere oo u dhexeysa
magaalada Dhuusamareeb iyo degmada guri-ceel ee gobolka
Galgaduud, waxaana la sheegay in rag hubeysan ay gaari kala
degeen dabadeedna ay ku dileen halkaas.
Dadka ku
dhaqan tuulada Ceeldheere ayaa saakay ku waabariistay meydka
mas'uulkaas oo yaala deegaanka, waxaana dad u badan
waxgaradka tuuladaas oo isqabanqaabiyey ay bilaabeen in ay
meyka u soo jiheeyaan dhanka magaalada Baledweyne oo uu ka
soo jeeday marxuumku.
Saacadaha soo
aaddan ayaa lagu wadaa in marxuumka lagu aaso magaalada
Baledweyne iyadoo qabanqaabo aas loogu sameynayo marxuumka
ay iminka ka socoto magaalada Baledweye.
Dilka
marxuumkaan ayaan si dhab ah loo ogeyn waxa uu salka ku hayo,
mana jirin wax xil ah oo uu hayey, waxaana dadka ku dhaqan
magaalada Baledweyne ay cambaareeyey dilkiisa, iyadoo Axmed
gobey Cawaale uu ahaa nin da' ahaan lagu qiyaasay 60-jir.
Maamulka
gobolka Hiiraan weli kama hadlin dilka loo geystay marxuumka
iyo haddii ay ka war hayaan ciidda geysatay, waxaase la
filayaa in aaska marxuumka kadib ay mas'uuliyiin ka tirsan
maamulka gobolka Hiraan ay ka hadlaan dilka Axmed Gobey
Cawaale guddoomiyihii hore ee degmada Baledweyne oo xalay
kooxo hubesyan ay ku dileen tuulada Ceeldheere ee gobolka
Galgaduud
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |