shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ku socoto: Soomaalida Waddaniyiinta ah (By Sahra Abdi Hersi)

(Holland, March 24, 2008 Ceegaag Online) 

Waxaan horay u soo qornay in lagama maarmaan tahay oo aanu doonayno in aan Aasaasno Urur Soomaaliyeed oo  waddani ah, sidaas daraadeed waxaan imminka doonayna sidii aan u heli lahayn waddaniyiin Soomaali ah oo diyaar u ah in ay waddankooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

Waxaan baadi goobaynaa  13 Soomaali ah oo waddaniyiin dhab ah isuguna jira rag iyo dumar, iyagoo 13-kaasi aasaaska u dhigaama udubka u taagan  ururkaasi oo aan magaciisa kor ku soo xusnay, shuruudaha laga  doonayo qofka xubin ka noqonayo maamulayaasha ururkaasi waa sidan:

-In 13-kaasi ay go’aamiyaan xarunta ururka iyo qabanqaabada xeerka iyo dastuurka uu ururku ku shaqaynayo, isla markaana lagu heshiiyo forum uu ururkaasi leeyahay ama meel u gaar ah (internet-ka) oo ay ku kulmaan

-In uu Soomaali waddanina yahay

-In uu yahay qof Muslim ah oo diintiisa Islam tahay

-In uu yahay qof ku xiran Allah iyo Rasuulkiisa Sallallaahu Calayhi wasallama

-In uu yahay qof isku kalsoon isla markaana aaminsan in maskaxdiisa iyo maalkiisa uu wax ku tabci karo waxna ku soo saari karo

-In uusan ahayn qof ku xiran oo dhaqaale ka sugaaya dad shisheeye iyo dal shisheeyeba

-In uu si dhab ah uga fog yahay qabiilka iyo eexda

-In uu u arko in Soomaalida ay yihiin dad walaalo ah oo aan u kala soocsoocnayn

- in uu yahay qof aaminsan midnimada Soomaali weyn

-In uu yahay qof diyaar u ah u shaqaynta dadkiisa iyo dalkiisaba

-In fulinta ujeeddooyinkiisa Waddaniga ah  uusan cidna ugu baqin,sida kaabo qabiil iyo wixii la mid ah

Dadka E-mailadooda noo soo qora haddii ay tiradoodu gaarto 50 waan joojinayna waxaana isku dayayna in 50-kaasi ay isku yimaadaan forum u gaar ah oo laga samayanayo internet-ka sidii 50-kaasi ay u doortaan 13-kii hoggaamin lahayd Ururka    

Ciddii xiisaynaysa Ururka  waddaniga Soomaaliyeed wuxuu magaciisa iyo Addresskiisa iyo waxa uu imminka hayo ku soo hagaajin karaa E-mailkan: soomaalibaanahay@hotmail.com

Wada Shaqeyn iyo Waddaninimo Xamaasad Wadata

Zahra Abdi Hersi 

Holland

  

webmaster@ceegaag.com