shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labada Shariif oo Nairobi wada hadalo kula leh Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

(Nairobi, March 30, 2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin kooxaha Dowladda Federaalka ka soo horjeeda ahna Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo uu ka wado hadalo ku saabsan sidii xal looga heli lahaa arrimaha Soomaaliya ku leh Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah.

Wafdiga uu hoggaaminayay Shariifka oo ay xubno ka ahaayeen Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo Guddoomiye ku xigeen ka ah Isbaheysiga, Maxamed Cabdi Yuusuf, Sheekh Cumar Iimaan iyo Xubno kale ayaa waxaa garoonka Jomo Kenyata ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu shalay gaaray Magaalada Nairobi.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxaa ay sheegayan in xubno ka socda Dowladda Federaalka si hor dhac ahaan ah isku arkeen xubnaha Isbaheysiga.

Madaxdan ku sugan Kenya waxay casuumaad ka heleen Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya, waxaana la soo sheegaya in Labada dhinac ay ka wada hadli doonaan dadaalka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

www.ceegaag.com  

  

webmaster@ceegaag.com