shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo Doomood oo ay leedahay Hay'adda WFP ayaa lagu afduubtay magaalada xeebeedka Marka

(Marka, March 23, 2008 Ceegaag Online)

Afduubka loo geystay labada Doon oo ka dhacay marsada magaalada marka ayaa la sheegay in lagu tuhmayo in ay geysteen kooxo burcad badeed ah, iyadoo weli aanu war ka soo bixin hay'adda WFP.

Taliye ku xigeenka gobolka Sh/ Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa falka lagu afduubtay labada Doon ee hay'adda WFP waxa uu sheegay in ay baaritaan ku wadaan islamarkaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha afduubtay Doonyahaas.

Wuxuu sheegay in ay illaa 5-qof oo lagu tuhmayo in ay lug ku leeyihiin falka lagu afduubtay Doonyahaas ay xabsiga dhigeen, isagoo xusay in kooxaha burcad badeedda ah ee afduubtay Doonyaha aaaney u dhalan gobolka Sh/hoose hase yeeshee ay garab ka helayeen dadka gobolka u dhashay.

Afduubka labada Doon ee ay leedahay Hay'adda WFP ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore kooxo burcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ku sii daayeen markab laga leeyahay dalka Ruushka oo ay qafaal ugu heysteen Xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com