Madaafiic lagu
weeraray xarunta Madaxtooyada iyo Madaafiic jawaaab ah oo
laga soo riday madaxtooyada oo dad ku laayey suuqa Bakaaraha.
(Muqdisho, March
29,
2008 Ceegaag Online)
ilaa
7-madfac ayaa lagu weeraray xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya xilli uu halkaas ku sugan yahay Wasiirka arrimaha
dibadda Ethiopia Seyoum
Mesfin oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada
dalka Soomaaliya.
Dadka ku
dhaqan xaafahada ku dhaw xarunta Villa Soomaaliya ayaa
sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiic ku dheceysa
xarunta villa Sooomaaliya kuwaas oo aan la garan khasaaraha
ka dhashay iyo halka laga soo tuuray.
Madaafiic
jawaab ah oo laga soo riday xarunta Villa Soomaaliya ayaa ku
habsaday suuqa weyn ee Bakaaraha halkaas oo ugu
yaraan 10-qof oo shacab ah ay ku dhinteen, waxaana
madaafiicdaas ku dhaawacmay dad kale oo aan weli rasmi ahaan
la heynin tiradooda.
Madaafiicda
ayaa la sheegay in ay badankoodu ku dhecen suuqa Bakaaraha
qeybta Raashinka halkaas oo ay dadna ku dhinteen kuwa kalena
ku dhaawacmeen, iyadoo dhaawaca dadka loola cararay
isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Wararka laga
helayo suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in khasaaraha ka
dhashay madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha uu intaas ka
badan yahay, waxaana suuqa Bakaaraha ka jira xaalad
kacsanaan ah iyadoo gebi ahaanba uu istaagay ganacsigi ka
socday suuqa.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |