shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Cade Muuse iyo Wefdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.

(Garoowe, March 30, 2008 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Maxamud Muuse Xirsi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u Ambabaxay Dalka Itoobiya iyadoo ay safarkiisa ku wehliyaan Taliyaasha ciidamada Daraawiishta, Booliska & Sirdoonka iyo Xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud ayaa sheegay in Ujeedada socdaalka Madaxweynuhu yahay sidii uu wada hadalo ula yeelan lahaa Masuuliyiinta Itoobiya oo ay ka wada hadlayaan xaaladihii ugu danbeeyey ee Soomaaliya gaar ahaana arimaha amaanka ee maamul Goboleedka  Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxa uu ku soo Beegmayaa iyadoo Magaalooyin ka tirsan Puntland ay ka jiraan falal amni Daro ah Taas oo lagula kacayo dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalooyinkaas

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com