shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe.

(Garoowe, March 24, 2008 Ceegaag Online) 

Madaxweyne ku Xigeenka Maamul goboleedka Puntland Xasan Daahir Afqudhac ayaa Shirjaraa'id oo uu maanta ku Qabtay Magaalada Garoowe kaga Warbixiyay Waxyaabo Farabadan oo  ku Aadan Xaga Amaanka iyo Maamulka Somaliland Gobolo Puntland ka tirsanaanjiray ay u Magacawdeen kuwaas oo ah Gobolada Cayn iyo Hayland

Mr Afqudhac ayaa cambaareeyey Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo sheegayey in uu magacaabay gobalo.

Xasan Daahir wuxuu ku tilmaamay talaabadaasi mid dagaal hor leh lugu hurinayo ,wuxuuna sheegay in aysan jirin gobalo uu soo kordhiyey Riyaale gobalada uu magacaabeyna ay yihiin kuwa horey Puntland ugu ahaa gobalo

Madaxweyne ku Xigeenku mar uu Soo Hadal Qaaday Dhinaaaca Qeyraadka iyo Macdanta ku jirta Dhulkaan ayaa waxaa uu sheegay in Macdanta dhulka Puntland laga soo Saarayo loo Sameeyay Sharci isla Markaasna Lala Shaqeyn Doono Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya

Afqudhac wuxuu intaasi raaciyay in ay dhawaan doonayaan in ay Laascaanood ku celiyaan dadkii ka soo baxay ,waxaana uu sheegay in ay xoog ku qabsanayaan Magaalada Laascaanood ,maadaama Maamulka heystaba ay xoog markii hore ku soo galeen.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com