shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Riyaale oo Cafis kusii daayay Maxaabi-istii Lagu qabtay Dagaaladii Adhi Cadeeye iyo Dhaban-saar.

(Hargeysa, March 19, 2008 Ceegaag Online) 

Maxadweyne Daahir Riyaale ayaa maanta cafis madaxweyne ku sii daayay dhamaan maxaabiistii laga qabtay Puntland Dagaaladii Adhi Cadeeye iyo Dhabansaar.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa Degreetadii uu ku cafiyay Maxaabiistan waxay u qorneyd sedan:

Markuu arkay:  Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad

Markuu tixgaliyey:  Codsiga Odayaasha iyo wax garadka Beesha

Markuu Xaqiiqsaday:           In ay yihiin Muwadiniin la khalday

Markuu yaqiinsaday:   Inay dalkooda nabad ku joogi karaan

Markuu tixgaliyey:  wada tashigii Masuuliyiinta ay khusayo

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa go’aansaday in Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan uu cafiyey dhammaan  78 Maxbuus ee Magacyadoodu ku lifaaqan yihiin oo lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Adhi cadeye iyo Dhaban-Saar.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani ayaa warbaahinta u sheegay in Maxaabiistaasi uu cafiska u fidiyay Madaxweyne  Daahir Riyaale Kaahin,isaga oo sheegay in siideynta Maxaabiistaasi sabab uga dhigay codsiyo badan oo ka soo baxay Odayaal dhaqmeedka, Ganacsatada iyo Waxgaradka  Gobolada Sool iyo Cayn kuwaasi oo ka Codsaday in Madaxweyne Daahir Riyaale Maxaabiistaasi Cafis siiyo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com