shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Riyaale oo ka qeyb galay Xaflad lagu Sagootiyay Maxaabiistii lagu qabtay Dagaaladii ka Dhacay Adhi Cadeeye iyo Dhaba-saar.

(Hargeysa, March 25, 2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka ka qeyb galay xaflad lagu sii sagootiyay 76 maxbuus oo uu dhawaan cafis u fidiyay oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Dhaban-saar iyo Laascaanood.

Xafladii lagu sii sagootiyay maxaabiistaasi, oo lagu qabtay Hoolka Ha’yadda shaqaalaha dawlada,  ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Wasiirada hawlaha guud, Cadaalada Casoowe, Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud, Axmed Cabdi Xaabsade, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Sool.

Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne waxa xafladan jooga muwaadiniintii  reer Somaliland ee ka faa’iidaystay cafiskaaga oo ah 76 qof, waxana ay kaaga mahad-naqayaan cafiska aad u fidisay.”

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii halkan umaan iman hadal badan umaan iman, inaan idin arko oo kalmaydayda aan idin idhaahdo uun baan u imid, waxaan idin leeyahay  dalkiinii baad joogtaan , ku soo dhawaada, ninkii shaqo raba iyo ninkii iskii u shaqeysanayaba  wuu u madax banaan yahay.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa in Somaliland gudaheedu isku dhac-dhacdo wax fiican ma aha, laakiin duruufaha iyo wakhtiga yimid baa keenay in mar mar ay timid, waxaan xasuustaa Dayr Cabdi Iska-toose, oo aanu halkan wada joogaynay, horena aanu isku naqaanay ragii Somaliland wax ka aasaasayna ahaa run ahaantii, waxaan jecelahay in wixii horena la ilaawo walaaltinimadana halkeedii laga wado, waxaan idiin rajaynayaa in aynu nabad ku noolaano, ilaahayna wixii khilaaf ah inaga saaro.”

Dayr Cabdi Iska-toose, oo ku hadlayay magaca maxaabiistaasi la cafiyay, ayaa aad uga mahad naqay sida loo sii sagootiyay, waxana uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay xafladan balaadhan ee naloo soo agaasimay ee uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland, waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa odayaashii cafiskayaga soo doonay, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa  Madaxweyne Rayaale oo odayaashii ka aqbalay cafiskayagii.”

“Waxaanu iksa dhigaynay in aanu gurigayagii nimid wax dhibaato ah oo naloo geystayna ma jirto, haddii ay tahay jeelka Burco iyo jeelka Mandheera labadaba, si fiican ayaa naloogu hayay, saraakiishii iyo askartii jeelashaasi waxaan u dirayaa Hambalyo” ayuu yidhi Dayr Cabdi Iska Toose.

Xigasho: Qarannews

  

webmaster@ceegaag.com