shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

MadaxweyneYuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo oo saakay ka degay garoonka magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, March 22, 2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde international Airport ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo la socdey diyaaarad qaas ayaa waxa la sheegay in ay ka soo duuleen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana wafdiga madaxweynaha garoonka ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amaanka Garoonka Diyaaradaha ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay si feejignaani ku jirto u ilaalinayeen amaanka wafdiga madaxweynaha.

Ciidamada dowladda ayaa saaka xiray wadada ka baxda xarunta Villa Soomaaliya ee gasha garoonka Muqdisho,iyagoo xayiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamadu si taxadir ku jirto ay ula socdeen dhaqdhaqaaqa dadka oo aan saaka ku badneyn wadada gasha garoonka Muqdisho.

Wafdiga madaxweyanaha ayaa ilaalo gaar ah oo ay ku jiraan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom waxa ay u kexeeyeen xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo wafdiga la sheegay in xarunta madaxtooyada ee villa Soomaaliya ay ku soo dhaweeyeen xubno sarsare oo dowladda ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ka qeyb galay kulankii dalalka Islaamka ee ka dhacay dalka Senegal, iyadoo markaa kadib diyaarad qaas ah ay ka qaaday madaxweynaha halkaas markii uu casuumad ka helay madaxweynaha dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo masjid weyn ka furay magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com