shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Muqdisho oo maanta ay kulan ku yeesheen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo bahda saxaafadda Muqdisho.

(Muqdisho, March 26, 2008 Ceegaag Online)

Kulan looga hadlayey qaabkii xiriir uu u dhexmari lahaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo bahda saxaafadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo qabanqaabadiisa ay iska kaashadeen xiriirka kubadda cagta iyo shirkadda isgaarsiinta Nation link ayaa ahaa mid intiisa badan looga hadlay sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen bahda saxaafadda Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta.

C/qani Saciid Carab xoghaya xiriirka kubadda cagta oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay tan kaliya ee soo bandhigi karta waxa uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, isagoo ugu baaqay dhinacyada saxaafadda in ay garab istaagaan xiriirka Soomaaliyeed oo ay la shaqeeyaan.

Wuxuu intaa raaciyey C/qani Saciid Carab in ay og yihiin daruufaha maanta dalka ka jira sidaa daraadeedna ay xitaa iyagu qeyb ka yihiin dadka daruufahaas ku shaqeynaya, isagoo sheegay in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin dhinacyo kala duwan ah oo dhamaan shacabka saameeyey.

Mas'uuliyiintii iyo shaqsiyaadkii ka socday saxaafadda ayaa isku afgartay in la wada shaqeeyo oo la iska kaashado sidii wada shaqeyn guud loo heli lahaa, waxaana xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed uu si weyn ugu mahad celiyey shirkadda isgaarsiinta Nation link oo ka taageertay xiriirka qabsoomidda koobka gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com