shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaaladda Yagoori oo galabta dagen kadib markii Saaka gelinkii hore rabshado ay ka dhaceen

(Yagoori, March 22, 2008 Ceegaag Online) 

Waxaa Saaka Aroortii  rabshado ka dhaceen magaalada Yagoori kadib markii ay damceen Ciidamo uu hogaaminayey Mahad Canbaashe isku dayeen in ay Xoog kula baxaan tignikada taala xarunta Xerta Yagoori.

waxaa halkaas isla markii dagaal kala hor yimi dadweynihii iyo Xertii, iyadoo uu halkaas ka dhacay dagaal ay ku dhaawacmeen 6 qof kuwaas oo sadex ka mid ah ay yihiin Askartii uu watay Col Mahad Canbaashe, sadexda qof ee kale ayaa waxaa ay ahaayeen dad rayid ah kuwaas oo ay ka mid ahayd qof dumar ah.

waxaa hadeer ka socota Magaalada Yagoori qaban qaabo iyo isku day lagu doonayo in xiisadaas lagu qaboojiyo iyadoo laga baqayo in Rabshaduhu markale soo cusboonaadaan.

Waxgaradka magaalada Yagoori ayaa wada dadaalo sidii xaalada nabad gelyo lagu soo celiyo.

ilo ku dhow dhow Saraakiisha Ciidamada Somaliland ayaa sheegaya in aanay wax lug ah ku lahay saraakiisha sar sare ee Ciidamada Somaliland , laakiin hawshu ay ku kooban tahay oo kaliya Col. Mahad Canbaashe

Xigasho: Holhol

  

webmaster@ceegaag.com