shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mareykanka oo sheegay in haddi laga fursan waayo uu talaabo milatari ka qaadi doono ururka hubeysan ee Al-shabaab.

(Washington, March 22, 2008 Ceegaag Online)

Ku xigeenka Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika James Swan ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Mareykanka ay tallaabo Milatari ka qaadi doonto ururka hubeysan ee Al Shabaab hadii ay meel mari waayaan dadaalada kale ee lagu wiiqayo ururkaas.

Isagoo wareysi siinayey idaacadda VOA ayuu sheegay in ay dadaalada isugu geyn doonaan sidii ay u wiiqi lahaayeen ururka Al-shabaab, wuxuuna sheegay in haddii laga fursan waayo in siyaabo kale lagu wiiqo ururkaas ay talaabo milateri adeegsana doonaan.

"Markii aan ku biirinay argagixisada caalamka waxay taasi ka dhigan tahay in taxadar dheeri ah laga qaadanayo ururkaas, islamarkaana aan aalado dheeri ah daad gureyno si aan ula dagaalano" ayuu yiri james Swan.

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa talaadadii waxaa lagu daray liiska ururada argagixisada caalamka, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay arrintaas.

Afhayeen u hadlay ururkaas ayaa wax aan macno ku dhisneyn ku tilmaamay in dowladda mareykanka ay ku biiriso waxa loogu yeero ururada argagixisada caalamka, isagoo sheegay in mareykanku uu taas uga gol leeyahay la dagaalanka dadka muslimiinta ah ee dunida ku dhaqan.

Maalinkii Talaadada ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay soo saartay warsaxaafadeed ay ku cadeeyeen in Ururka hubeysan ee Soomaaliga ah ee Al Shabaab ay ku biiriyeen liiska Ururada Caalamiga ah ee Argagixisada.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com