shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Markabkii Afduubka ay kooxaha burcad badeedka ah ugu heysteen xeebta degmda Eyl ayaa la sii daayey.

(Eyl, March 18, 2008 Ceegaag Online)

Markabkii Afduubka ay kooxaha burcad badeedka ah ugu heysteen xeebta degmda Eyl ayaa la sii daayey kadib markii la sheegay in kooxaha burcad badeedka ah la siiyey lacago madax furasho ah.

Wararka laga helayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in lacag gaareysa 700,000-kun oo doolarka mareykanka madax furasho ahaan loo siiyey kooxaha burcad badeedka ah ee afduubka u heystay markabka.

Kooxaha burcad badeedka ayaa si nabad ah u sii daayey markabka iyo shaqaalihii saarnaa markii la siiyay lacagaha madax furashada ah, waxaaa wararku ay sheegayaan in markabka uu u ambabaxay dinaca magaalada xeebta ah ee Mombassa ee dalka Kenya.

Markabkan la sii daayey ayaa waxaa laga leeyahay dalka Ruushka, waxaana xeebta degmada Eyl kula afduubnaa markab kale oo isna laga leeyahay dalka Cumaan kaas oo ay weli kooxo burcad badeed ah afduub ugu heystaaan xeebta degmada Eyl.

Maamulka Puntland ayaa cambaareeyey talaabada lacag madax furasho ah lagu siiyey kooxaha burcad badeed ah, waxana maamulku uu arintaas ku tilmaamay mid ka horjeeda qaanuunka dowliga ah iyo kan caalamiga ah, taasna ay dhiira gelin u tahay kooxaha burcad badeeda ah.

Xeebta dalka Soomaaliya oo la tilmaamo in ay kamid tahay xeebaha ugu khatarsan caalamka ayaa waxaa kooxo is abaabulay ay afduub kula kacaan maraakiibta shisheeye iyagoo markaasi kadib ka qaata lacago madax furasho ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com