shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mohamed Dheere oo eedeyn u soo jeediyey Ganacsada Gobolka Banaadir.

(Muqdisho, March 21, 2008 Ceegaag Online) 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M.dheere) ayaa saaka waxaa uu eedeyn u soo jeediyey Ganacsatad Gobolka Banaadir gaar ahaa Ganacsatada Suuqa Xoolaha iyo kuwa Suuqa Bakaaraha isagoo ku eedeeyey inay gabaad siiyaan kooxa dagaalka kula jira Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Itoobiya.

Mohmed dheere ayaa yiri "  Ganacsatada waxay gabaad siiyaan kooxo argagixiso ah oo dagaal ku soo qaada Ciidamada Dowladda  arinkaasna waa marag ma doonto ,caalamka ayaa u aqoonsaday kooxaha dagaalka nagula jira inay yihiin argagixiso caalami ah xiriirna la leh argagixisada caalamaka ayuu yiri Mohamed Dheere ".

Hadalka Mohamed Dheere ayaa ku soo beegmay xili magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo iyo iska horimaadyo is xig-xiga oo ay kooxaha ka horjeeda Dowladda ay weeraro kale duwan ku soo qaadeen fariisimo ay deganaayeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Dagaalkii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaato iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ka soo gaartay dadka rayidka ah
oo ay madaafiic iyo xabado habow ah ay ugu tageen guryahooda.

Dhinaca kale khasaaro baahsan ayaa soo kale gaaray labad dhinac ee uu dagaalku ku dhexmaray shalay magaalada muqdisho walow ay aad u adagtahay in la hello xog dhab ah oo ka tarjumaysa khasaaraha kale gaaray labada dhinac maadama aysan saxaafada u soo bandhigin khasaaraha soo kale gaaray labada dhinacba.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com