shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo maanta laga hor aqriyay Fadhigii Baarlamaanka.

(Baydhabo, March 19, 2008 Ceegaag Online) 

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo fadhigii maanta Baarlamaanka yeeshay ayaa waxaa laga hor aqriyay mooshan ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Mooshankan oo ka hadlayay dhawr arrimood ay ka mid yihiin arrimaha Nabadgalyada dalka, wax qabadka Xukuumadda iyo arrimo kale ayaa waxaa soo diyaariyay 26 Xildhibaan oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore warfaafinta Dowladdii Cali Maxamed Geeddi Mr Madoobe Nuunow Maxamed.

Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna u sheegay Baarlamaanka inuu is casili doono haddii aan Baarlamaanka shaqadiisa si wanaagsan u gudan.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday warbixin Xukuumadda Nuur Cadde soo diyaarisay warbixintaas oo ku saabsan dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

Mooshankan ka dhanka ah Xukuumadda Nuur Cadde ayaa waxaa uu yahay mid culeyskiisa uu leeyahay iyadoo tani ay ka mid tahay caqabada haysta Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com