shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muwaadiniin Soomaali ah oo kor u dhaafaya 300 oo ku xidhan Xabsiyada Wadanka Libya

(Tripoli, March 27, 2008 Ceegaag Online) 

In ka badan 300 qof oo Soomaali ah ayaa ku xidhan xabsi lagu magacaabo Saawiya oo ku yaala caasimadda wadanka Liibiya ee Tiriboli....

Dadkaas oo iskugu jira dad mudo hore galay iyo kuwo dhawaan gaaray wadanka Liibiya, ayaa waxaa laga qab qabtay meelo kala duwan oo wadankaas ka tirsan, waxaana la isugu geeyay xabsi ku yaala caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Dadkan Soomaalida ah ayaa Markoodii hore ahaa Tahriibayaal iyagoo muddo dheer ku soo jirey safar lug ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Sudan ayaa intabadan kala kulma dhibaatooyin farabadan, waxaana iyagoo u socda raxanraxan aad ku arkeysaa Dhulka Saxaraha ah ee u dhexeeya wadamada Sudan iyo Libya.

Soomaalidan ayaa waxaa qabqabtay Ciidanka Booliska ee dalka Libya iyagoo fashiliyey qorshe loogu tahriibinayey Dalka Talyaaniga iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka, halkaas oo waayahaan danbe ay utahriibayeen dad badan oo Soomaali ah si ay uga sii galaan Dalalka Yurub,

Dowlada Liibiya ayaa sanad walba dhowr jeer cafis u samaysa dadka Soomaaliyeed ee xabsiyadeeda  ku jira iyadoo dowlada Libya ay dhowr jeer ka codsatay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Libya in uu  la wareego dadka Soomaalida ah ee ku jira Jeelasha safiirkuna uu ka dhago adeegay  la wareegida dadkaas.

Hogaamiyaha Libya Mucamar Qadaafi  ayaa dhawaan ogolaaday in Afrikaan-ka Fiiso la,aan ay ku soo gali karaan dalkiisa isagoo khudbad kooban kaga hadlayay afrikaanimada iyo wanaago ay leeyihiin iyo taageeradii ay siiyaan  xiligii cunaqabataytu saarnaad dalkiisa Libya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com