shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin Soomaali ah oo laga helay Cudurka XDR-TB oo aan wali daawo loo helin "Allow u sahal"

(Bristol, March 23, 2008 Ceegaag Online) 

Dhakhaatiirta Scotland ayaa ladagaalan kula jira sidii loo xakamayn lahaa cudurka XDR-TB oo laga helay  nin Somalia  ah oo mudo kunoolaa Magaalada Glasgow laguna xabsiyay hosbitaalka guud ee magaaladaas. 

Cudur kan oo ah Qaaxada ayna dawada caadiga ah waxba katarin, ayaa ay laga maarmaan tahay in lagu tijaabiyo dawooyin isku dhafan oo kala duwan oo loo yaqaabo antibiotics.

Qaaxadu waxa ay si sahaalo ah ugu faaftaa bulshada dhexdeeda  waxayna caadiyan weerartaa san-babada iyadoo isla markaa ku fidi karta dhamaan xubnaha jidhka sida caloosha.

Waxaa keeni kara cayayaan  microbes ama bacteria ah loona yaqaano Mycobacterium tuberculosis waxayna badanaa kunooshahay biyaha iyo cuntada dhexdeeda. waxaa kale oo lagayaabaa inay sababto weerar rays ah  ama shucaan lagu furo ruux ku jira vacuum xidhan.

Calaamada lagu garto cudurka waxaa kamid ah in ruuxa ay markaa hayso uu bilaabo qufac aah kala joogsi lahayn, isaga oo dareema daal farabadan, miisaanka jidhkiisa oo is dhima, isaga oo ay cunadu ka xidhanto, xumad fara badan, dhidid habeenkii ah iyo isagoo mar mar dhiig tufa.

DR Oliver Blatchford oo ah lataliye caafimaad ayaa sheegay in XDR-TB uusan wax sidaas ah ka khatar badnayn TB-da caadiga ah balse ay u baahantahay in si gaar ah loo daweeyo. Wuxuu intaa ku daray in si isku mid ah loo baadho ayna wanaag san tahay in horay laga ogaado si, si fudud loola tacaalo.

In kudhow ilaa 9 million oo ruux ayaa qaada cudurkan sanadkii halka ay ilaa 500 oo kun amaba half million ay u geeriyoodaan sababo ay kamid yihiin daryeel la’aan iyo isaga oo ruuxu la xishoodo ama qarsado cudurka.

Abdirahman Mohamed Ali

Bristol, UK

 

  

webmaster@ceegaag.com