Nuur Cadde "Xukuumadeyda
oo kaashaneysa Hay'adaha QM ayaa door weyn ka qaadanaya
sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhibaateysan
dalka Soomaaliya"
(Addis Ababa,
March 27,
2008 Ceegaag Online)
Ra'isul
wasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ka
dhawaajiyey in ay wax weyn ka qaban doonaan xaaladaha laga
deyrinayo ee ka jira dalka Soomaaliya.
Nuur Cadde
ayaa sheegay in xukuumadiisa oo kaashaneysa Hay'adaha
Qaramada Midoobay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax kaga
qaban doonaan dhibaatooyinka is biirsaday ee xiligaan ka
jira gobolada dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in
xukuumadiisu ay door weyn ka qaadaneyso fududeynta sidii
gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka dhibaateysan.
"Waan ku
dadaaleynaa sidii loo fududeyn lahaa gargaar la gaarsiiyo
kumanaanka qof ee dhibaateysan, xukuumadeyda oo garab ka
heleysa hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah u
qabanaya arrintaas" ayuu yuri Nuur Cadde.
Nuur Cadde
Ra'isulwasaaraha Soomaaliya wuxuu shaaciyey in aad ugu
kalsoon yahay in beesha caalamka ay xiligaan il gaar ah ku
eegeyso xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay
in uu rajeynayo in ciidamo ka soca Qaramada Midoobey ay
badalaan ciidamada
Ethiopia
iyo kuwa Amisom ee jooga gudaha Soomaaliya.
Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo hadda ku sugan magaalada Addis-ababa
ayaa kulan uu la yeeshay madaxda midowga Afrika waxa ay kaga
wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ciidamada midowga Afrika
ka jooga dalka Soomaaliya.
Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa shalay ka duulay magaalada
Muqdisho isagoo u ambabaxay magaalada Addis-ababa ee dalka
Ethiopia
halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay madax ka kala
socotay beesha caalamka.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |