shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Odayaashii Beesha Jaamac Siyaad oo dib Xoriyadoodii uhelay saddex casho kadib.

(Laascanod, March 27, 2008 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta lasii daayay oo dib xoriyadoodii loogu soo celiyay Odayaashii Beesha Jaamac Siyaad odaayshaas oo saddex maalmood ku xidhnaa duleedka magaalada Laascaanood ayna xidheen ciidamada Somaliland kadib markii ay kasoo kicitimeen dhanka magaalada Garowe.

Odayaashan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay wadeen hawlo ka dhan ah abaabul iyo kicin dadwayne oo ay ka samayn lahaayeen magaalada Yagoori oo ka socotay hawl xasaasi ah oo ku aadan Hub yaalay Xerada Tima waynta oo la isku hayay qaabka looga saari lahaa goobtaasi looguna wareejin lahaa ciidamada Somaliland qaybta Mahad Canbaashe.

Waxa ay goobtaasi ku xidhnaayeen muddo saddex casho ah iyadoo maalinimadii shalay lasii daayay Oday Caaqil Axmed Cabdi Gaas Cawke uuna ukicitimay dhanka magaalada Hargeisa oo uu kasii galayay safar dhanka dibada ah oo uu u aadayo caafimaad ahaan iyadoo ay goobtii ay Odayaashu ku xidhnaayeena ay ku hadheen afar Oday.

Hadaba waxaa manta lasii daayay afartii Oday ee kale oo kala ahaa Caaqil Siciid Cashuur Abyan,Caaqil Salaad Xuseen,Kayse Maxamuud Indhataag iyo C/laahi Bilaale kadib markii ay masuuliyiinta Somaliland ee Gobolkla Sool ay cafis ufidiyeen ayna ka codsadeen Odayaasha inay isaga baxaan hawlaha ay ku jireen ayna xor uyihiin inay joogaan Gobolkooda.

Mar aan wax ka waydiinay Odayaashii laga sii daayay goobtaasi qaabkii loola dhaqmay markii ay ku xidhnaayeen saldhiga ciidamada military ga Somaliland ayaa waxa ay sheegeen inaysan wax dhib ah arag si wacana loo la dhaqmay ayna ciidamadii iyo saraakiishii gacanta ku hayay waxba ugaysanin.

Isku soo wada duuboo Odayaasha Beesha Jaamac Siyaad ee ku xidhnaa Saldhiga military ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxa ay maanta dib uheleen xoriyadoodii waxaana markii lasii daaayay ay masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ay shir kula qaateen Hotel Xamdi halkaas oo ay kaga wada hadleen  xaaladaha ka jira Gobolka.

Xigasho: Afnugaal

  

webmaster@ceegaag.com