shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaxootigii ugu badnaa ee soo gaara Dalka Koonfur Africa sannadkan 2008 oo xalay soo gaarey Magaalada Johannesburg.

(Johannesburg, March 28, 2008 Ceegaag Online) 

Waxaa soo gaaray Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa xalay waqtiyadii dambe qaxooti soomaali ah  oo fara badan,  Qaxootigaas oo isugu jirey rag iyo dumarba iyagoo daal iyo macluul badan uu ka muuqdey wajiyadooda qaxootigasii  ayaa waxay Gaarayeen  ilaa boqol qofood oo ka soo talaabey xuduuda uu dhaxeysa Dalalka Koonfur Africa iyo Mozambique.
 
Qaxootigan soomaalida  ee soo gaaray xalay magaalada Johannesburg ayaa waxay ii xaqijiyeen in tiro dad ah ay kaga Dhinteen wadanka Malawi, dadkaas oo cadadooda ay ku sheegayn Ilaa 4 qofood oo  gaajo iyo oon baaxad weyn leh oo Sameyeey taasna ay sababtey in ay u geeriyoodan dadkaasii soomaalida ee qaxootinimada ugu soo socday dalkan koonfur Africa,
 
Mahan markii ugu horaysay ee qaxooti soomaliyeed ay soo gaaran dalkan Koonfur Africa iyadoo qaxooti badan ay soo gareen horaantii bishii inna soo dhaaftey dalka Koonfur Africa.
 
Si kastaba ha ahaatee qaxootigan faraha badan ee ku soo qulqulaya  dalka Koonfur Africa ayaa waxey ku soo beegmaysa xili uu dalka marxalad adag ku jiro oo dadka wadaniga ee u dhashay ay diidan yihiin ganacsiga ay dadka ajanibta ka sameysan jirtey guud  ahaan dalka Koonfur Africa.

Hassan Yeey

Johannesburg,South Africa

yeey18@live.com 

  

webmaster@ceegaag.com