Qoyska mid kamid
ah xubnaha Barlamaanka Dowladda Kmg oo lagu sumeeyey
Magaalada Beydhabo.
(Baydhabo, March
31,
2008 Ceegaag Online)
Hooyo iyo
labo caruur ah oo ay dhashay isla markaana ah qoyska
xildhibaan C/rashiid
Cali
ayaa iyagoo aad ay xaaladoodu u liitaan la dhigay isbitaalka
magaalada Beydhabo kadib markii lagu sumaayey raashin sida
uu sheegay xildhibaanka.
Xildhibaan C/rashiid
Cali
oo wax laga weydiiyey arintaas ayaa sheegay in uu tuhmayo in
sumeynta qoyskiisa ay ka dambeeyeen dad uu sheegay in uu
kala dhexeeyo loolan siyaasadeed inkasta oo aanu
xildhibaanku carabaabin cidda ay yihiin dadkaas.
Wuxuu sheegay
in la doonayey in sunta isaga lagu khaarijiyo hase ahaatee
uu ka badbaaday, balse qoyskiisa ay musiibadu ku dhacday,
waxaana uu intaas raaciyey in uu aad uga xun yahay in falka
sumeynta ah lagula kaco qoyskiisa.
Qoyska xildhibaanka ayaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalka
magaalada Beydhabo, waxaana dhaqaatiirta isbitaalka Beydhabo
ay sheegeen in xaaladda caafimaad haweeneyda iyo labada
caruur oo ay dhashay ay tahay mid aad halis u ah.
Waa markii
ugu horeysay oo xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Dowladda
Federaalka Soomaaliya qoyskiisa la sumeeyo, waxaana taasi ay
cadeyneysaa in loolan xoogan uu ka dhexjiro xubnaha
Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |