shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sarkaal u Hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay laba-laabayaan deeqaha ay geeyaan dalka Somalia.

(Muqdisho, March 25, 2008 Ceegaag Online)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay laba-laabeyso deeqaha ay geyso dalka Soomaaliya isla markaana ay caawin doonto dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya.

Sargaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca deeqabaha bini'aadanimo Mr John holmes ayaa magaalada New-York ee dalka mareykanka ka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha bini'aadanimo ee ay geeyaan dalka Soomaaliya.

Mr Holmes wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka Soomaaliya ay sii kordhayaan loona baahan yahay in la caawiyo malaayiinta qof ee ku dhibaateysan abaaraha iyo biyo la'aanta ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

"Waxaa kordhineynaa deeqaha aanu ku daabulno dalka Soomaaliya, si loogu caawiyo dadka shacabka ah ee dhibaateysan, hadda gudaha Soomaaliya waxaa ka jira masiibo bini'aadanimo oo u baahan wax ka qabasho" ayuu yiri Mr. Holmes.

Wuxuu sargaalkaasi intaa raaciyey in ay qaadi doonaan talaabooyin dheeri ah oo ay gargaar ku gaarsiinayaan deegaanada ay sida ba'an uga jiraan abaaraha iyo dhibaatooynka bini'aadanimo, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay ka qeyb qaataan dadaalada ay gargaarka ku gaarsiinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Warka ka soo yeeray Qaramada Midoobay ayaa soo baxaya xilli masiibo bini'aadanimo ay ka jirto dalka Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan dadka iyo duunyada u dhimanaya abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta Guud ahaan gobolada dalka oo dhan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com