shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shaac-Shaac "Talaabo ayaanu ka qaadeynaa suuqa Bakaaraha waayo waxaa laga soo abaabulaa weerarada ka dhanka ah ciidamada Dowladda”.

(Muqdisho, March 25, 2008 Ceegaag Online)

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa ku hanjabay in ay talaabo ka qaadi doonaan suuqa Bakaaraha isagoo ku eedeeyey ganacsatada suuqaas in ay qeyb ka yihiin dagaalada ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Shaac-shaac ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday ciidamada dowladda laga soo abaabulay suuqa Bakaaraha isla markaana ay kooxaha weerarka soo qaaday ka soo duuleen suuqa, isagoo xusay in aaney u dulqaadan doonin arrimahaas, "Waxaan sheegayaa in aanu talaabo ka qaadeyno suuqa Bakaaraha , waayo waa goobta looga soo duulo ciidamada dowladda, weerarkii shalayna suuqa ayaa laga soo qaaday" ayuu yiri  Shaac-shaac afhayeenka ciidanka Booliska.

Shaac Shaac ayaa Ku tilmaamay in had iyo jeer suuqaasi yahay mid laga soo abaabulo weerarada lagu qaado ciidamada, isagoo eedda arrintaas dusha uga tuuray ganacsatada ku sugan suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kalena guddomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa war aan sal laheyn ku tilmaamay hadalka Mr. Shaac-Shaac ee ah in weerarada laga soo abaabulo suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in suuqa Bakaaraha uu ka madax banaan yahay dhinacyada is haya isla markaan loo sameeyey ciidamo gaar ah oo suga amaanka suuqa.

Hadalka hanjabaadda ah ee afhayeenka Booliska Mr. Shaac-shaac ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaal qaraar shalay ka dhacay degmada Hodan iyadoo iska hor-imaad dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey 3-qof oo labo ay ahaayeen ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com