Sheekh
Aadan Madoobe oo digniin u jeediyay Xubnaha Baarlamaanka ee
ka maqan Magaalada Baydhabo
(Baydhabo, March
22,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh.Aadan
Madoobe) ayaa uga digay Xubnaha Baarlamaanka ee ka maqan
Magaalada Baydhabo inuu ka qaadi doono tallaabooyin adag oo
xitaa ay dhici karto waa sida uu hadalka u dhigay inay waayi
doonaan xilalkooda haddii aysan ka soo xaadarin fadhiyada
Baarlamaanka.
Hadalka Sheekh Aadan
Madoobe ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Baarlamaanka
ku fashilmay inuu yeesho fadhiyo sababo tiradii loo baahnaa
oo fadhiyada ku qabsoomi lahaayeen oo la waayay, maanta ayaa
ugu dambeysay fadhi Baarlamaanka lahaa ayaa qabsoomi waayay.
Wararka ayaa sheegaya in
tirada Xildhibaannada jooga Baydhabo inay tahay ilaa iyo 130
Xildhibaan, sidaas darteed Xildhibaano fara badan ayaa ka
maqan Magaalada Baydhabo.
Wuxuu ugu baaqay Sheekh
Aadan Madoobe Xildhibaannada ka maqan magaalada Baydhabo
inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku yimaadan magaalada hadii
kale uu tallaabo ka qaadi doono.
Warar hoose ayaa
sheegaya in sababta Xildhibaannada uga maqan yihiin
Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inay tahay iyagoo
haysanin dhaqaale Magaaladaas ku joogan maadama muddooyinkan
dambe helin lacagihii gunada ahaa ee la siin jiray.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |