Sheekh
Shariif iyo Shariif Xasan oo Labaduba kusugan Dalka Sudan
kuna soo jeeda Nairobi si ay ula kulmaan RW Nuur Cadde.
(Khartoum, March
24,
2008 Ceegaag Online)
Gudoomiyihii hore ee Maxkamadihii Islaamiga Sheekh Shariif
Sheekh Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka FKMG ee
Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa labaduba kusugan
dalka Suudan magaalo Madaxdiisa Khartoum.
Labadan
masuul ayaa lagu wadaa inay gaaraan dalka Kenya magaalo
madaxdiisa Nairobi halkaasi oo ay kula kulmi doonaan
Ra'iisul Wasaaraha Somalia Mudane Nuur Xasan Xuseen "Nuur
Cade" oo lagu wado in maalinta Jimcaha uu kulankoodu ka
dhaco magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Warar aanu
ka helnay ilo xog agaal ah ayaa sheegaya in labada Masuul ee
Mucaaradka ku ah DFKMG waa Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif
Viisahooda ay ku howlan yihiin Safaarada Kenya ay ku
leedahay dalka Sudan iyagoo diyaarinaya qaabkii ay kusoo
gali lahaayeen wadankaasi.
Wakiilka
Dalka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya Mr. Mario Raveillli
ayaa ku hawlan sidii uu isugu keeni lahaa Ra'iisul Wasaare
Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cade" iyo mucaaradka dowlada kasoo
horjeeda si ay uwadahadlaan.
Dib u
heshiisiintaan ayaa ka danbaysay ka dib markii uu Ra'iisul
Wasaare Nuur Cade ku dhawaaqay inuu kulamo la yeelan doono
dhamaan mucaaradka Dowladda kasoo horjeeda isagoo waliba
sheegay inuu la kulmi doono dhamaan macaaradka dowlada
Soomaaliya, iyadoo dhawaan dowlada Mareykanka ay ku
dhawaaqday in Ururka Al-shabaab ay u aqoonsatay urur
Argagixiso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |